Waa Maxay Koronafayrus?
Marka hore aynu ku horrayno fayrusku wuxuu yahay. Ilma-aragtada nololayda ah waxa si kooban loogu qaybiyaa sadeex; Fungi, Backteria iyo Fayrus. Fayruska ayaa ugu sii yaryar saddexdaa oon xataa microscope-ka caadiga ah lagu arki karin, sidoo kale halka labada kale kelidood u tarmi karaan, faryusku keli ma tarmi karo, waxay u baahan yihiin inay unug kale oo nool (sida unugyada dadka, xoolaha, dhirtaa ama bakteriayada) dhexgalaan halkaasna ku tarmaan. Unugyada nololayda kale waxay leeyihiin dhaxal abuurka loo yaqaan DNA iyo maadadda kale ee u dhow ee RNA loo yaqaan oo iyadu inoo samaysa proteinska aan la’aantood la noolaan karin. Fayruska ama RNA bay leeyihiin ama DNA, ma wada laha labadaba. Sidaa daraadeed waxa loo qaybiyaa faryuska laba –––RNA ama DNA fayrus.
Koronofayrusku waa RNA
fayrus. Waxayna ka mid tahay qayb
balaadhan oo loo yaqaan Nidovirales.
Jirataankkoda waxa la ogaaday 1960kii.
Waxa laga helaa xayawaanka, xoolaha iyo dadkaba. Hore waxaynu u ogayn afar dadka ku dhaca oo
kala ahaa HCoV 229E, HCoV 043, HKU1 AND NL63 (2006) oo intuba duriga caadiga ah
(common cold) sababa. Hana la kala saaro duriga caadiga iyo cudurka loo yaqaan
influenza ama flu oo badiyaa ka xoog badan.
Duriga ama common cold waxa sababa caadi ahaan Rhinofayruses halka flu
ka ay sababaan Influenza fayruses.
Afarta kronofayrus ee aan kor ku sheegaynaya waxay sababaan duriga
caadiga ah ama marmar Bronchitis. Waxa laga yaabaa qof wal oo waayeel ah in
nololishiisa uu la kulmay afartaa koronofaryus in ka mid ah.
Qarnigan aynu ku jirno
bilowgiisii waxa inaga soo krodhay saddex koronofayrus oo kale oo intuba ka soo
boodeen xawayaan ama xoolo (zoonotic baa markaa loo yaqaan). Horantii 2003kii waxa dad qaadeen cudur neef
mareenada ku dhaca oo loo bixiyey Severe Acute Respiratory Syndrome (SARS)
waxana sababay koronfayrus ka soo booday Civet cats, waa xayawaan xoorka u
dhow. Koronofayruskaa waxa loo bixiyey
SARS-CoV. Sanadkii 2012 waxa lagu arkay
dalka Saudi Arabia fayrsus kale oo iyanna sababta cudur isna neef mareenada wax
yeela oo isna loo malaynayo inuu ka yimid xoolaha geela iyo fiidmeerta. Cudurkaana waxa loo bixiey Middle Eastern
Respiratory Syndrome ama MERS, fayruskiina waxa loo bixiyey MRRS-CoV.
Lixdaa Koronofayrus ee imika
dadka ku dhaca waxa ku soo biiryey mid todobaad oo ah tan imika dunidii wada
saamaysay oo laga helay bishii December 2019 gobolka Hubei magaaladiisa Wuhan
ee China. Faryuskan markaa cusubaa oo
loo bixiyey novel coronoviurus ama koronofayrus cusub waxa la ogaaday in dhaxal
abuurkeeda iyo kii hore ee SARS-CoV ay aad isugu dhow yihiin waxa markaa loo
bixiyey SARS-CoV-2 hase yeeshee sidii labada cudur aan la isugu khaldin ayaa
cudurka cusub loo bixiyey Coronovirus Infectious Disease-2019 ama COVID-19.
Fayruskii cusbaana waxay noqotay tii todobaad ee dadka ku dhacda. Weli lama oga dhab ahaan xayawaankay ka soo
booday, in kasta oo loo malaynayo inay fiidmeerta ka timid.
Sidaybuu dadka ugu dhacaa:
Sida uu doonaba dadka ha ku
soo gaadho ee imika waxa isqaadsiin kara dadka.
Qofka qabaa markuu qufaco, hindhiso ama isaga oon midna samayn wuxuu soo
raaci karaa neeftaa ka oo baxda faryruska oo markaa dhibco (droplets) yar yar
ah. Qofka aan qabini ama toos bu hawada
uga qaadi karaa ama haddii uu taabtay meel dhibicdii fayrusku taalo oo markaa
gaadhsiiyo dibnihiisa, sankiisii iyo afkiisa.
Koronofayrusku hawada toos uma raaco sida fayruska kale ee measles loo u
yaqaan markaa dadka kala fog ma isqaadsiin karaan.
Markaa waxa kala qaada
labada qof ee isu dhow ama istaabta sida gacan qaadka oo kale oo haddii qof
qabaa gacantiisa ku qufaco ama si kaleba ay gacantiisu fayruska u sidato qofka
gacan qaadaa uu isna qaadayo haddii isna wajigiisa gaadhsiiyo fayruskii.
AMA haddii qofkii qabay kaga
tago tusaala ahaan miisaska dushooda oo dadka kalena taabtaan.
MARKAA HALKAAS BAYNU KA
FAHMI KARNAA SIDII LA ISKAGA DIFAACAYEY:
Ha la kala fogaado… Social
Space—- ilaa 6 cagood inta ugu yar.
Marwal oo aad wax taabataba
gacmaahaaga ku mayd saaboon 20 ilbidiqsi ugu yaraan.
Caadayso inaanad wajigaaga
afkaaga ama sankaaga taaban. Caadi ahaan qof walba intaa wuxuu sameeyaa
saacaddii 23 jeer, maaha wax fudud.
Haddii aad yeelato
calamadihiisa hoos ku xusan, Khasab iskaga dhig inaad ka foogaato dadka kale
xataa gurigaaga isku khasabto inaan laguu soo dhowaan ilaa la hubinayo.
Qofka qaba ama shakiyaa waa
inuu xidhaa MASKA loo yaqaan surgical mask si uu dadka kale uga ilaaliyo.
Weli ma arkayo meelo ama
xarumo si gaar ah loogu talogalay hubinta cudurkan qofka qaba. Nidaamku waxa weeye in qofka iska shakiyaa
iaanu tegin xarumaha caafimaadka ee caadiga ah ee uu tago meelo loogu
talogalay—si aan bukaanka kale u gudbin.
Waa Maxay Cudurkani iyo
Calaaamadahiisu?
Qofka qaada COVID-19 waxa uu
yeelan karaa;
1-Cabud iyo duuf sanka ah.
cunna xanuun
3- qufac aan xaako lahayn
(dry cough)
4- Xumad
5- daal
Haddii uu sii xumaado
Neefta oo qabata
Waxaanu ku dambayn karaa
pneumonia ama oof.
Boqolkiiba sideedtan (80%)
waxa laga yaabaa inaanay waxba dareemin ama xanuun fudud oo aan u baahan ba
dhakhtar. Laakiin dadka kale way
qaadsiin karaan.
In kasta oo aanay dawo jirin
la siiyaa haddanna sida hargabka looga hortago ayaa inta badan ku filan:
Biyaha oo aad badsato
Xumad jabin (caruurta ha
siin aspirin), dhakhaatiir fransiis ah waxay leeyihiin yaa
n la qaadan ibuprofen iyo
kuwa la mid ka ah ee ha la qaato Acetaminophen (Paracetomol, Tylonol).
Ku luqluqo biyo diiran oo
milix leh si cunna xanuunka u yaraado.
Fiiro gaar ah:
Ilaa imika dadka waayeelka
60 sano ka wayn ayaa ugu badan dadka uu khatarta u leeyahay siiba inta
caafimaad daro kale la daris ah sida wadna xanuun, dhiiq kar, macaan
(diabetes) iyo sanbab xanuun. Waxa kale oo raaca dadka sigaarka cabba ee
laga yaabo sanbabkoodu inaanu marka horeba fayoobayn.
Dr. Axmed Xuseen Ciise
Guddoomiyaha Abaarso Tech
University
Phd, Immunology and
Infectious Diseases
From the Johns Hopkins
University
Also MSc, Microbiology and
Immunology and a Bachelors in
Chemistry and Microbiology