Connect with us

somalilandtoday.com

Jilaaga Caanka Ah Idris Elba Oo Laga Helay Cudurka Corona

focus

Jilaaga Caanka Ah Idris Elba Oo Laga Helay Cudurka Corona

Jilaaga Caanka Ah Idris Elba Oo Laga Helay Cudurka Corona

(SLT-London)-Jilaaga caanka ah Idris Akuna Elba oo u dhashay dalka Britain ayaa laga helay cudurka Coronavirus kaddib markii la baadhay, sida uu ku shaaciyay bartiisa Twitter-ka.

Wuxuu sheegay in xaaladdiisa caafimaad ay wanaagsan tahay isla markaana la karantiilay.

Elba oo muuqaal soo geliyay Twitter-ka xilli ay la joogtay xaaskiisa, Sabriina wuxuu sheegay in cudurka uu iska baadhay markii uu Jimcihii la kulmay qof hore loogu arkay cudurka Corona.

Wuxuu sidoo kale ka dhawaajiyay in xaaskiisa Sabriina aan laga baadhin cudurka , xaaladdeena ay wanaagsantahay.

“Waan is karantiilay, si deg deg ah ayaan isku baadhay waxaan maanta helay natiijada.. waa xaalad halis ah hadda waxaa la joogaa xilliggii laga fikiri lahaa in laga fogaado goobaha bulshada isugu yimaadaan iyo in gacmaha la maydho”

Wuxuu ka codsaday taageerayaashiisa inay feejignaadaan, ” haddii aad dareento xannuun ama ay kula tahay in aad is baadho..marka waa in aad wax iska qabataa”

Horraantii sannadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii Idiris uu la aqal galay Sabrina Dhawre oo ah gabadh Soomaali ah, arooskooda wuxuu ka dhacay Huteel ku yaalla dalka Morocco.

More in focus

To Top