Connect with us

somalilandtoday.com

Puntland Oo Xaaraan Ku Tilmaantay Wadahadallada Somaliland Iyo Soomaaliya

focus

Puntland Oo Xaaraan Ku Tilmaantay Wadahadallada Somaliland Iyo Soomaaliya

Puntland Oo Xaaraan Ku Tilmaantay Wadahadallada Somaliland Iyo Soomaaliya

(SLT-Garoowe)-Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Puntland oo ka hadlayay kulan shalay ka furmay magaalada Garowe ayaa sheegay in ayna aqbalayn in wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland ay dhacaan iyadoo ayna Puntland ka qeyb-galin.

Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Puntland ayaa ku tilmaamay wax aan sharci ahayn oo xaaraan ah wadahadalada la qorsheynayo inay yeeshaan dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

“Wadahadalada dowladda federaalka Soomaaliya ay ku baaqday oo ay leedahay waxaan la galeynaa maamulka Somaliland. Wadahadalladaas iyo ergooyinka ay dowladda federaalka samayestaba waxaan u arkaa inaanay sax ahayn xaaraanna yihiin.” ayuu yidhi Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland.

“Waana sababeynayaa Soomaaliya hadda halka lagu wado waxaa la rabaa oo wadahadallaasi ay rabaan in loo dhigo in Koonfur iyo Waqooyi wax loo wada qaybsado, Puntland xaggey markaa ku dambeyneysaa waa inay ka baxdaa marka kharriiradda taana yeeli meyno” ayuu sii raaciyay hadalkiisa Gudoomiyuhu.

More in focus

To Top