Al-siisi ayaa qoraal uu Axadii soo gaadhsiiyey madaxweyne (Farmaajo) ugu
baaqay inuu kala shaqeeyo xal u helida arrinta biyo-xidheenka ee ay haatan isku
hayaan labada dal.
Warqadda la soo gaadhsiiyey madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa keenay
kaaliyaha wasiirka arrimaha dibadda Masar ee arrimaha Afrika, Abuubakar Xifni
Maxamuud.
Kaaliyaha oo wareysi gaar ah siiyey Idaacadda Goobjoog ayaa sheegay in xukuumadda Qaahira ay rajo weyn ka qabto inuu Farmaajo xalin karo xiisada u dhexeysa waddamada Itoobiya iyo Masar, isaga oo ka faa’ideysanayo saxiibtinnimadiisa labada dhinac.
“Soomaaliya waa dal muhiim ah, siyaado iyo miisaan leh, xidhiidh
fiican la leh labada dhinac, waxaan hubaa in madaxweyne Farmaajo oo ka
faa’ideysanaya xidhiidhkiisa saaxiibtinnimo ee ra’isul wasaare Abiy uu xal u
helista biyo-xidheenka qeyb ka noqon karo, Masar-na saacidi karo”. ayuu yidhi
Abuubakar Xifni Maxamuud.
Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday kaaliyuhu ahmiyadda uu webiga Nile-ka u
leeyahay Masar, isagoo carabka ku dhuftay in la’aantiisa ay u sababi karto
shaqo la’aan baahsan.
“Webiga Nile waxaa ku tiirsan biyo ahaan 97% dadka Masar, dalkeenna ma
jirayo Nile la’aantiis, waa amni qaran, haddii dhibaato soo gaadho waxaa shaqo
la’aan noqon doona 4 Milyan oo qof, inta kalena biyo la’aan iyo harraad”. ayuu
sii raaciyey Abuubakar Xifni.
Masar iyo Itoobiya ayaa in muddo ah isku haya arrinta biyo-xidheenka ee
Webiga Nile, iyadoona ay fashilmeen wadahadallo lagu dhex-dhexaadin lahaa
labada dowladood.