Connect with us

somalilandtoday.com

Natiijada Baadhitaanka Trump Ee Cudurka Coronavirus Oo La Shaaciyay

focus

Natiijada Baadhitaanka Trump Ee Cudurka Coronavirus Oo La Shaaciyay

Natiijada Baadhitaanka Trump Ee Cudurka Coronavirus Oo La Shaaciyay

(SLT-Washington)-Natiijada baadhitaankii lagu sameeyey madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa la shaaciyey, iyadoo laga waayey cudurka dilaaga ah ee Coronavirus oo haatan fara ba’aan ku haya dalal badan oo ku yaalla caalamka.

Dhaqtarka gaarka ah ee ka howlgala madaxtooyada Mareykanka, Sean Conley ayaa xaqiijiyey in astaamaha cudurka laga waayey madaxweynaha.

“Galabta waxaa isoo gaadhay war xaqiijinaya in cudurkaasi laga waayay madaxweynaha.” ayuu warbixin qoraal ah ku yidhi Sean Conley.

Baadhitaanka lagu sameeyey Trump ayaa yimid, kadib markii wafuud ka socotay dalka Brazil oo uu toddobaadkii hore kula kulmay Flodrida laga helay cudurka Coronavirus.

Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka uu sameeyey Coronavirus oo ka soo bilaamay Shiinaha,  iyadoona dowladdu shacabkeeda ay kula talisay in qofkii la kulmay amma taabtay qof la xaqiijiyey in uu ku dhacay cudurka ay tahay inuu is-karantiilo 14 maalmood.

More in focus

To Top