(SLT-Hargeysa)-Shirweynaha xisbiga KULMIYE ayaa la mudeeyay inuu qabsoomi doono bisha June ee sannadkan.
Shirweynahan KULMIYE ayaa la
filayaa in lagu doorto hoggaanka xisbiga ee shanta sannadood ee soo socota oo
ah guddoomiye, afar guddoomiye-xigeen oo kala hoseeya iyo xoghayaha guud ee
xisbiga. Waxa kale oo la dooran doona guddiga fulinta ee xisbiga.
Suaalaha ugu badan ee
siyaasiyan la iska weydiinayo shirweynaha xisbiga ee bisha June iyo
natiijadiisa ayaa waxa ka mid ah guddoomiyaha xisbiga oo uu Madaxweyne Biixi
hadda hayo, waana su’aasha ugu adag ee aan weli jawaab rasmi ah loo haynin in
Madaxweyne Biixi wareejin doono guddoomiyaha xisbiga iyo inuu sii haysan doono
guddoomiyenimada xisbiga.
Hase yeeshee dad badan ayaa
qaba inaanu madaxweyne Biixi wareejin doonin guddoomiyenimada xisbiga KULMIYE,
waxaanay dadka aragtidan qabaa aaminsanyihiin in Madaxweyne Biixi ka cabsi qabo
inuu xisbigu galo tafaraaruq siyaasadeed haddii uu wareejiyo guddoomiyenimada
xisbiga.
Dad kale ayaa iyaguna
aaminsan in haddii aanu Madaxweyne Biixi wareejin guddoomiyenimada xisbiga, ay
xisbiga; ay KULMIYE soo waajahi karto culays siyaasadeed oo kaga yimaada
beelaha ugu awooda badan xisbiga.
Haddii uu Madaxweyne Biixi go’aansado inuu sii haysto guddoomiyenimada xisbiga KULMIYE, waxa iyana la isweydiinayaa inuu ogolaan karo in lagula tartamo gudaha shirweynaha xisbiga, waxase adag sida ay arrintani u dhacdo. Sidoo kale Madaxweyne Biixi haddii uu guddoomiyenimada xibsiga wareejiyo ma ogolaan doonaa in tartan xalaal ahi ka dhaco gudaha xisbiga, mise wuxuu calaamadin doonaa mid ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga KULMIYE ku bahoobay.
Suaalaha kale ee shirweynaha
xisbiga KULMIYE ee bisha June la iska weydiinayo waxa iyana ka mid ah
mustaqbalka siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka tirsan golaha dhexe ee
xisbiga oo kal hore shaaciyay inuu u tartamayo guddoomiyenimada xisbiga.
Madaxweyne Biixi iyo
siyaasigan ayaa waxa soo kala dhex galay madmadow ka dhashay dhawaaqii Maxamuud
Xaashi ee uu ku muujiyay damaciisa iyo weliba khudbado uu ka jeediyay dalka
dibadiisa oo uu safar ugu baxay markii uu iclaamiyay inuu doonayo in loo doorto
guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, mana jiro wax kulan ah oo dhex maray Madaxweyne
Biixi iyo siyaasigan tan iyo markii uu ku dhawaaqay damaciisa.
Dadka siyaasadda falanqeeya
ayaa aaminsan ifafaalaha ilaa hadda muuqdaa ay muujinayaan inaanay jirin wax fursad ah oo Maxamuud Xaashi
uga banaan xisbiga KULMIYE wakhti xaadirkan, waxase suurtogal ah in waayaha
siyaasadeed si fudud isu bedelaan.
Guddiga qaban qaabada
shirweynaha xisbiga KULMIYE, waxa ka mid ah xubno siyaasiyiin ah oo Maxamuud
Xaashi ku cambaareeyay damaciisa.
Si kastaba ha ahaate
jawaabaha su’aalahan waxa bidhaamahooda la arki doonaa marka uu soo dhawaado
shirweynaha xisbigu.