(SLT-Addis Ababa)-Itoobiya ayaa diiday cadaadiska Mareykanka ee ah inay dalalka Masar iyo Sudan heshiis kala gaadho biyo-xidheenkeeda muranka dhaliyey ee ay ka sameyneyso webiga Nile, waxaa sidaas sheegay wasiirka arrimaha dibedda Itoobiya.
Wareysi uu siiyey wakaaladda
wararka ee Associated Press, ayaa Gedu Andargachew waxa uu ku sheegay in
saddexda dal looga baahan yahay inay khilaafkooda xaliyaan, ayada oo ayna soo
faro-gelin cadaadisyo dibedda ah.
“Wada-hadalladii lagu qabtay
Wahsington DC badhtamihii February, waxaa nalagu cadaadiyey inaan deg deg heshiis
u saxeexno, ka hor inta aan la xalin arrimaha taagan,” ayuu yidhi Gedu, oo
intaas ku daray in wafdigiisa ay saraakiisha Mareykanka u sheegeen in ayna
heshiis ku saxeexayn cadaadiska noocaas ah.
“Kadib saraakiisha Mareykanka
waxay diyaariyeen oo ay noo soo direen heshiis, kaasi oo sidoo kale aan diidnay
sababtoo ah Mareykanka wuxuu lahaa kaalin kor joogto oo kali ah,” ayuu yidhi.
“Waxaan aaminsannahay
in heshiis kasta oo la gaadho ayada oo cadaadis uu jiro aanu dan ugu jirin
dhinac kasta oo qeyb ka ah wada-hadallada.”
Waxaa sii xooggeysanaya xiisadda iyo is-marin waaga Itoobiya iyo Masar, oo salka ku haysa biyo-xidheenka dib-u-curashada weyn ee Itoobiya ee GERD, oo ay ku kaceyso lacag dhan 4.6 bilyan oo dollar, kaasi oo Itoobiya ay ku dhiseyso webiga Nile.
Itoobiya ayaa sheegtay in
biyo-xidheenka – oo noqon doona warshadda ugu weyn Afrika ee koronto ka dhalisa
biyaha – uu muhiim u yahay dhaqaalaheeda.
Hase yeeshee Masar ayaa ka
cabsi qabta in mashruucan uu waxyeeleyn karo webigan oo 90% soo saara biyaha
laga cabo dalkaas.
Xiisadda ayaa kasii dartay
kadib markii Addis Ababa ay ka baaqatay wareegii ugu dambeeyey ee
wada-hadallada ee 26-kii February lagu qabtay magaalada Washington, iyada oo
sheegtay inay u baahan wada-tashi dheeri ah.
Kadib markii Itoobiya ayna
ka qeyb-galin kulankii Washington, wasaaradda arrimaha dibdda Masar ayaa
cambaareysay waxa ay ugu yeedhay “maqnaanshaha aan cudurdaarka lahayn ee Itoobiya
ee marxalad muhiim u ahayd wada-hadallada.”
“Masar waxay adeegsan
doontaa wax kasta oo ay awooddo oo ay ku difaaceyso danta dadkeeda,” ayaa lagu
yidhi qoraalka.
Madaxweynaha Mareykanka
Donald Trump ayaa la rumeysan yahay in xiisaddan uu kula safan yahay Masar.