Connect with us

somalilandtoday.com

Jilaaga Caanka Ah Tom Hanks Iyo Xaaskiisa Oo Laga Helay Coronavirus

focus

Jilaaga Caanka Ah Tom Hanks Iyo Xaaskiisa Oo Laga Helay Coronavirus

Jilaaga Caanka Ah Tom Hanks Iyo Xaaskiisa Oo Laga Helay Coronavirus

(SLT-Washington)-Jilaaga Mareykanka ah ee Tom Hanks ayaa shaaca ka qaaday Arbacadii in isaga iyo xaaskiisa Rita Wilson, oo iyana ah jilaa iyo heesaa, labadaba laga helay cudurka Coronavirus.

Hanks iyo Wilson ayaa ku sugan dalka Australia, halkaasi oo uu ku jilayo filim ku saabsan nolosha heesaagii caanka ahaa ee Elvis Presley.

Fariin uu soo dhigay bogiisa twitter-ka ayuu Hanks ku sheegay in isaga iyo xaaskiisa “ay dareemeen daal, sida inuu hargab ku dhacay, balse jirku xanuunay, halka Wilson ay sidoo kale dareentay xumad,”

Hanks ayaa intaas ku daray in markaa kadib lagu sameeyey baadhitaan kadibna laga helay Coronavirus.

Hanks ayaa sheegay in isaga iyo Wilson oo labaduba ah 63 jir “lagu sameyn doono tijaabooyin kale, lagana go’doomin doono dadka kale.”

Lamaanahan ayaa hadda lagu lagu karantiilayaa cisbitalka Gold Coast ee gobolka Queensland.

Shirkadda filimada ee Warner Bros oo soo saareysa filimka Elvis ayaa sheegtay in la joojiyey gebi ahaan.

Hanks iyo Wilson waa labadii qof ee ugu horreeyey ee dadka caanka Mareykanka ah ee uu ku dhaco Coronavirus.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top