(SLT-Hargeysa)-Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashadda iyo Sayniska Somaliland Axmed Abokor Maxamed ayaa leexsaday lacag dhan $400,000 oo lagu horumarinayay Waxbarashada Reer-guuraaga.
Agaasimaha Guud ee Wasaarada
Waxbarashadda ayaa lacagtan marsaday NGO uu gaar u leeyahay, kaasoo uu siiyay
mashruuc lagu horumarinayay waxbarashada xaaladaha degdega ah (Education
Emergency).
Mashruucan oo ay fulintiisa qaadatay haayada UNICEF, isla markaasna laga maal-galinayay sanduuqa waxbarashada ee Education Cannot Wait ayaa haayada UNICEF iyadoo kaashanaysa Agaasimahan qandaraas hoosaad sii siisay ururka SOYCA ee uu Agaasimuhu leeyahay, iyadoo loo siiyay inuu mashruucan ka fuliyo gobollada Saaxil, Gabilay iyo Maroodi-jeex.
Mashruucan ayaa waxa ku
baxaysa $6.7M, waxaanay bishii la soo dhaafay ay haayada UNICEF u shubtay
ururka SOYCA ee Agaasime Axmed Abokor fayskii koowaad ee kharashka fulinta
mashruuca oo dhan $400,000.
Ururka SOYCA oo xaruntiisa
guud ay tahay magaalada Berbera, ayaa waxa aasaasay Agaasimaha Guud ee
Wasaarada Waxbarashadda, waxaana hada maamulka ururka u haysa walaashii Khadra
Abokor.
Maaha markii ugu horaysay ee
Axmed Abokor ururkiisa SOYCA u sameeyo eex, gacal-miis iyo musuq-maasuq, hase
yeeshee sanadihii 2006 ilaa 2012 oo uu Agaasimuhu madax ka ahaa mashruuca
waxbarashada ee haayada Save the Children ayuu sidan oo kale musuq-maasuq
sameeyay, isagoo gaar u naas-nuujiyay, qandaraasyana siiyay ururkiisa Soyca,
taasoo sababtay in aakhirkii ay haayada Save the Children Axmed Abokor shaqadii
uga erido arintan iyo musuq-maasuqyo kaloo uu sameeyay.
Madaxweynaha Somaliland
Muuse Biixi oo hore ugu ololeeyay in uu musuqa la dagaalamayo ayaan la garanayn
talaabada uu ka qaadi doono, maadaama aanay talaabadan musuq-maasuq ahayn tii
koowaad ee uu Axmed Abokor sameeyo mudadii uu Wasaarada Waxbarashadda joogay,
bal se ay ka mid noqonayso musuqa aan joogsiga lahayn ee uu mudadaasba ku boobayay
hantida umada Somaliland.