(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay in uu dib u celiyay Xasan Yuusuf Ducaale oo ah xubintii xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ugu jirtay Guddiga Cusub ee Doorashooyinka Soomaaliland.
Xasan Yuusuf Ducaale ayaa bishii aynu ka soo gudubnay ee Feb 3 iska casilay xilkaasi, ka dib markii maaro loo waayay khilaafkii u dhaxeeyay Xisbiyadda Mucaaradka ah iyo xukuumadda, kaas oo salka ku hayay markii ay UCID Iyo Waddani ay meel adag iska taageen Guddoomiyaha Cusub ee Gudigaasi Eng Cabdirashiid Maxamed Cali oo ay wakhtigaasi ku eedaynayeen in uu ka tirsanaan jiray Xisbiga KULMIYE, Halkan hoose ka DAAWO