(SLT-Addis Ababa)-Wargeyska Capital ee ka soo baxa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, ayaa sheegay in si buuxda loo joojiyay maalgashigii 19% ee ay Itoobiya ku lahayd horumarinta iyo balaadhinta dekedda Berbera.
Wargeyska Capital oo
warbixin dheer ka qoray qorshe ay Itoobiya ku doonayso inay deked kaga samaysto
dalka Suudaan, ayaa wuxuu gunaanadka warbixintiisa ku sheegay in Itoobiya ay
saami dhan 19% ku lahayd horumarint dekedda
Berbera, wuxuuse sheegay in toddobaadkan la soo wariyay in mashruucaas gebi
ahaantiiba la joojiyay. “Itoobiay waxay saami ah 19% ka qaadatay horumarinta
dekedda Berbera, laakiin waxa toddobaadkan la soo weriyay in mashruuca si
buuxda loo joojiyay.” Ayuu wargeysku ku yidhi warbixintiisa.
Wargeysku, ma sheegin cidda
uu xogtan ka soo xigtay, laakiin qaybo ka mid ah warbixintan wuxuu wargeysku ku
waraystay wasiirka gaadiidka Itoobiya Dagmawit Moges oo sharaxday qorshaha ay
Itoobiya ku doonayso inay deked kaga samaysato dalka Suudaan, laakiin wasiirku
ma soo hadal qaadin arrinta dekedda Berbera ee Somaliland.
Afhayeenka wasaaradda
arrimaha dibadda Itoobiya oo uu Wargeyska Geeska Afrika isku dayay inuu wax ka
weydiiyo jiritaanka warkan ayaanay noo suurtogelin, ka dib markii uu ka jawaabi
waayay farriimo aanu u dirnay.
Sidoo kale wasiirka arrimaha
dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Faratoon oo uu Geeska Afrika isagana isku
dayay inuu wax ka weyiyo warkan, ayaanu ku weyney khadka Telefoonka.
Waxa dhawaan Hargeysa socdaal aan war rasmi ah laga haynin ku yimid
wasiirka maaliyadda Itoobiya Axmed Shide iyo sarkaal kale oo ka tirsan
wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya oo la socday, lamana oga in socdaalka weftigaas
iyo warkan uu wargeyska Addis Ababa ka soo baxaa baahiyay xidhiidh leeyihiin.
Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi ayaa dhawaan Raysalwasaaraha Itoobiya ku gacan saydhay qorshe uu watay oo ahaa inuu Madaxweynaha Soomaaliya Hargeysa keeno.
Source: Geeska