Connect with us

somalilandtoday.com

Raysal Wasaaraha Dalka Suudaan Oo Ka Badbaaday Isku-day Dil

focus

Raysal Wasaaraha Dalka Suudaan Oo Ka Badbaaday Isku-day Dil

Raysal Wasaaraha Dalka Suudaan Oo Ka Badbaaday Isku-day Dil

(SLT-Khartoum)-Wararka ka imanaya Sudan ayaa sheegaya in Ra’iisal wasaare Cabdalla Xamduuk oo ka badbaaday isku-day la doonayay in lagu dil.

Telefishinka dowladda iyo xubin ka tirsan golaha wasiirrada ee dalkaasi ayaa sheegay in kolonyo uu la socday ra’iisal wasaaraha lagu weeraray caasimada Khartuum.

Xaaska Mr Xamduuk ayaa website maxalli ah u sheegtay in la isku-dayay in la qarxiyo gaadhiga uu la socday ra’iisal wasaaraha.

Waxa ay intaa ku dartay in uu badqabo oo uu fiican yahay. Ra’iisal wasaaraha ayaa la geeyay goob ammaan ah oo aan la shaacin.

More in focus

To Top