Connect with us

somalilandtoday.com

Maxamed Bin Salmaan Oo Xidhay 17 Amiir Oo Kale Oo Looga Shakiyey Afgambi, Soona Rogay AMAR Yaab Badan

English

Maxamed Bin Salmaan Oo Xidhay 17 Amiir Oo Kale Oo Looga Shakiyey Afgambi, Soona Rogay AMAR Yaab Badan

Maxamed Bin Salmaan Oo Xidhay 17 Amiir Oo Kale Oo Looga Shakiyey Afgambi, Soona Rogay AMAR Yaab Badan

(SLT-Riyadh)-Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan ayaa xabsiga dhigay 17 amiir oo kale, maalin kadib markii ay soo shaac baxday inuu xidhay saddex ka mid ah amiirada ugu sarreeya dalkaasi.

Amiirada cusub ee la xidhay ayaa la rumeysan yahay inay qeyb ka ahaayeen afgambi la doonayey in awoodda lagagala wareego Maxamed bin Salmaan, oo ah hoggaamiyaha dadban ee Sacauudiga.

Sabtidii ayaa waxaa soo shaac baxay in Maxamed uu xidhay Amiir Axmed bin Cabdulcaziiz, oo ah walaalka ka yar boqor Salmaan, Amiir Maxamd bin Nayef, oo ahaa dhaxal-sugihii hore iyo wasiirkii arrimaha gudaha boqortooyada, iyo walaalkiisa ka yar Amiir Nawaf bin Nayef.

17-ka amiir ee kale ee la xidhay ayaa waxaa ugu caansan Amiir Nayef Axmed bin Cabdulcaziiz, oo ah wiilka Axmed bin Cabdulcaziiz oo la dhashay boqor Salmaan. Nayef ayaa ahaa madaxa sirdoonka ciidamada lugta ee dalka.

Dhinaca kale, Maxamed bin Salmaan ayaa soo rogay amar yaab leh oo loogu sheegay dhammaan amiirada dalka Sacuudiga inay barta twitter-ka si shaacsan ugu soo qoraan inay isaga daacad u yihiin, waxaan qaar ka mid ah durba ay u hoggaansameen amarkaas, sida Amiir Cabdullahi bin Sultan Ala Sacuud.

Sida ay werisay Reuters, Xubnaha la xidhay ayaa eedeymaha loo haysto waxaa ka mid ah, “inay xidhiidho la sameeyeen dalal shisheeye, oo ay ka mid yihiin Mareykanka iyo kuwa kale, ayna weydiisteen in laga caawiyo afgambiga.”

Reuters ayaa dhinaca kale werisay in Boqor Salmaan uu saxeexay waaranka lagu soo xidhay amiiradan. Waxaa sidoo kale la sheegay in caafimaadkiisu fiican yahay, xilli ay jiraan warar sheegaya in xusuustiisa ayna wanaagsaneyn.

Dhinaca kale, waxaa aad looga walaacsan yahay xaaladda Amiir Miteb bin Cabdullah, oo mar loo arkay inuu kurisga ka beddeli karo boqor Salmaan. Miteb ayaa ka mid ahaa amiiradii 2017-kii lagu xabisay hotelka Ritz Carlton ee Riyadh, balse waxaa lasii daayey kadib markii uu bixiyey hal bilyan oo dollar.

Mite oo 65 jir ah ayaa waxaa dhalay boqorkii hore ee Sacuudiga Cabdullah bin Cabdulaziz.

More in English

To Top