Connect with us

somalilandtoday.com

Xisbiga UCID Oo Dub U Celiyay Xubintii Komishanka Doorashooyinka

focus

Xisbiga UCID Oo Dub U Celiyay Xubintii Komishanka Doorashooyinka

Xisbiga UCID Oo Dub U Celiyay Xubintii Komishanka Doorashooyinka

(SLT-Hargeysa)-Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa Iscasilaad ka diiday Xubintii uu hore ugu xulay Komiishanka cusub ee doorashooyinka Somaliland, Xasan Yuusuf Ducaale, kaasi oo hore isaga casilay Komiishankii uu xubintii ka ahaa.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo soo saaray Qoraal uu arrintaa kaga hadlay ayaa sheegay in aanay Xisbi ahaan Xasan yuusuf Ducaale ka aqbalin Icasilaadda, sidaasi darteedna wuxuu Madaxweynaha ka codsaday inaanu isaguna ka aqbalin Icasilaadda, si uu dib ugu bilaabo Shaqadii Qaranka ee Komishanka Doorashooyinka.

More in focus

To Top