(SLT-Laascaanood)-Safaaradda dawladda Maraykanku ay ku leedahay dalka kenya ayaa si u bogaadisay maayarka magaaladda Laascaanood Cabdicasiis Xuseen Taarwale.
Kadib markii ay ka wada
shaqeeyeen hay’adda kaalmadda dibadda u qaabilsan Maraykanka ee USAID iyo
maamulka dawladda hoose ee Laascaanood dhismaha jidka isku xidha garoonka
diyaaradaha Laascaanood iyo magaaladda inteedda kale.
Jidkaasi oo dhismihiisa ay
maalgelisay hay’adda USAID, isla markaana golaha deegaanka Laascaanood ay door
aad u weyn ka qaateen.
Sidaasina waxaa lagu sheegay
war qoraal ah oo ay hay’adda Maraykanka kaalmadda dibadda u qaabilsan ee USAID
ku daabacday barta Internet-ka ay ku leedahay ee Twitter-ka.
Warbixintani bogaadinta ah
ayaa ku soo beegmaysa xili Isniintii todobaadkan xadhiga laga jaray Waddadaasi
oo dhererkeedu dhan yahay 5 KM.
Halka 25% (boqolkiiba shan-iyo labaatan), shurruuda
looga dhigay in ay itaalkooda xooga ku saarraan, maadaama madaarku hal-bawle
dhaqaale u yahay degmada Laascaanood.
Kaasoo ah madaarka
diyaradaha keliya ee ka furan dalka Somaliland marka laga reebo garoonka
diyaaradaha caasimada Hargeysa ee Cigaal International-Airport.
Geesta kale maayarka
Laascaanood Cabdicasiis Xuseen Taarwale, oo ka jawaab celiyay dhanbaalkan
hanbalayada ah ee ka soo gaadhay dawllada Maraykanka gaar ahaana hay’adda USAID
ayaa ssheegay in hanblayadani tahay mid ku timid kalsoonida ay ka qaateen
doorkii maamul ka gole degaan ahaan.
Waxaanu yidhi, “Waanu ka
guddoonay dhambaalkan, ay noo soo gudbiyeen dawladda Maraykanka gaar ahaana
hay’adda USAID ka maamul gole deegaan ahaan safaaradda Mareykanka ee Nairobi.
Iyadoo ka turjumaysa wadashaqeyntii iyo fulintii shuruudeed ee hay’ada USAID, maadaam aanu anagu qorshaha iyo dalabka-ba lahayn.
Waxaanay tani degmada
Laascaanood iyo ka maamul ahaanba noo tahay mid fursad weyn, oo dhinaca
mashaariicda arrimaha bulshadda ah, oo door weyn ka qaadanaysa”.
Waxaanu intaas raaciyay,
“Xaqiiqdii iyagoo xog baddan ka qaatay doorka dhaqaalaha iyo dakhliga degmada
waxa ay aaminsanaayeen, in ay duruufo badani jiraan oo ay naku adag tahay, madaama aan degmooyinka dhaqaalaha badan leh
aan mashaariicda la wadaagin.
Waxaananu uga mahad
celinaynaa doorkii ay ku lahayd xukuumadda dhexe wasaaradda Arrimaha gudaha oo
gacan naga siisay” ayuu yidhi maayarka Laascaanood.
Dhinaca kale C/casiis Xuseen
Taarwale, ayaa hay’adda NRC uga mahad celiyay Cagaf-cagaf kuwa beeraha lagu
qoto ah oo ay ku wareejisay, isla markaana ay
ka faa’iidaysan doonaan bulshadda beeralay xoolo-dhaqatadda ah.
Taasoo iyadna ka mid tahay
qorsheyaashii horumarineed ee ay u balan qaadeen. Waxaanu yidhi, “Waxa kaloo
aanu halkan uga mahad celinaynaa hay’ada NRC oo aan ka guddoomay Cagafta
qodaalka Beeraha, taasoo hay’adaasi noogu deeqday.
Taasoo iyana qeyb ka ah qorsheyaashii aanu u soo
bandhignay bulshadda reer Laascaanood iyo gobolka Sool, in aanu ka maamul gole deegaan ahaan bilaabi
doono barnaamijyada dhinaca wax-soo-saarka ee Beeralay Xoolo-dhaqato. Taasoo iyadu-na ka qayb qaadan doonta
saameyna ku yeelan doonta nolosha bulshada”.
Ugu danbayn maayarka
Laascaanood waxa uu sheegay in mashaariicda iyo waxqabadka golaha
deegaanka Laascaanood marba marka ka
danbaysa uu intii hore ka soo korayo.
Dhameystirka dhismaha Jidka
madaarkuna ka mid ahaa qorsheyaashoodii waxqabadka arrimaha bulshadda degmadda
iyo gobolka-ba, isla markaana ay waxyaabo fara badani ka hirgaleen balan
qaadyadoodii.
Iyadoo ay jiraan mashaariic
fara badan oo ay fuliyeen dawladda hoose ee Laascaanood oo aanay cidi la
wadaagin am aka taageerin, wixii dhimana ay dedaal badan gelin doonaan.