Connect with us

somalilandtoday.com

Qofkii Ugu Horreeyay Oo Coronavirus Ugu Dhintay Dalka Mareykanka

focus

Qofkii Ugu Horreeyay Oo Coronavirus Ugu Dhintay Dalka Mareykanka

Qofkii Ugu Horreeyay Oo Coronavirus Ugu Dhintay Dalka Mareykanka

(SLT-Washington)-Magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa xaalad deg deg ah lagagu dhawaaqay kaddib marki qofki ugu horreeyey ee qaba cudurka Coronovirus uu cudurka u dhintay.

Qofkii ugu horreeyay ayaa cudurkaasi Coronavirus ugu dhintay dalkaasi Mareykanka, gaar ahaan gobolka woqooyi galbeed ku yaalla ee Washington, halkaasi oo haatan xaalad deg deg ah lagaga dhawaaqay.

Mas’uuliyiinta caafimaadka dalkaasi ayaa sheegaya in nin da’diisu tahay kontomeeyo oo xaalado caafiamad oo hore la il darnaa uu haatan cudurkaasi u dhintay.

Madaxweyne Trump ayaa sheegay in ay suurtagal tahay in dadka kale uu cudurkaasi soo rito balse, dal ahaan ay u diyaarsan yihiin xaalad kasta oo soo wajahdo.

Mas’uuliyiinta dalkaasi ayaa sidoo kale sheegay in xayiraad lagu soo rogayo dadka doonaya in ay u safraan dhanka dalka Iiraan, waxaana shacabka dalkaasi Mareykanka loogu baaqay in ayna booqan deegaannada uu cudurkaasi ka dillaacay ee waddamada Talyaaniga iyo Kuuriyada Koonfureed.

More in focus

To Top