Connect with us

somalilandtoday.com

Dawladda Mareykanka Oo La Safatay Masar, Una Digay Itoobiya

focus

Dawladda Mareykanka Oo La Safatay Masar, Una Digay Itoobiya

Dawladda Mareykanka Oo La Safatay Masar, Una Digay Itoobiya

(SLT-Washington)-Mareykanka ayaa uga digay Itoobiya inay ku dhaqaaqdo qorshaheeda biyo-xidheenka webiga Nile, ayada oo aan heshiis la gaadhin dalalka Masar iyo Sudan.

“Masar, Itoobiya iyo Sudan waa inay heshiis gaadhaan ka hor inta aan  lasoo geba-gebeyn biyo-xidheenka Nile, si looga hortago in qul-qulka biyaha uu dhaawac gaadhsiiyo dalal kale,” waxaa sidaas yidhi Wasiirka Maaliyadda Mareykanka Steven Mnuchin.

“Tijabaada kama dambeysta ah iyo buuxinta biyo-xidheenka waa in ayna dhicin, iyada oo aan heshiis la gaadhin,” waxaa sidaas yidhi Mnuchin oo soo saaray bayaan kadib kulamo ka dhacay Washington 27-kii iyo 28-kii Febraayo, kuwaasi oo Itoobiya ay aanay ka qayb-galin.

Heerka bad-baadada caalamiga ah waa in la xaqiijiyaa ka hor inta la billaabin buuixnta biyo-xidheenka, ayuu yidhi Mnuchin.

Mnuchin ayaa xiisadda soo faro-geliyey sannadii tagtay, si uu u wada-hadalsiiyo dhinacyada kadib marki Masar ay sheegtay in wada-hadallad ay kula jirta Itoobiya ay meelna u dhaqaaqi waayeen.

Dowladda Itoobiya yaa ka hor-timid bayaanka uu soo saaray Mnuchin ee loogu digay, waxayna sheegtay inay wax ka qabatay arrimo kasta oo la xidhiidha amniga.

Waxay sidoo kale ku adkeysatay inay buuxin doonto biyo-xidheenka marka dhismihiisa uu dhammaado.

“Itoobiya oo ah milkiilaha biyo-xidheenka GERD, waxay billaabi doontaa buuxintiisa marka dhismaha uu dhammaado, si waafaqsan mabaadi’da sinaanta ee macquulka ah, ayada oo aan wax dhibaato ah sababin,” ayaa lagu yidhi bayaan ay si wada jir ah usoo saareen Wasaradda Arrimaha Dibedda, iyo Wasaaradda Biyaha, Waraabka iyo Tamarta Itoobiya.

Itoobiya ayaa sheegtay in biyo-xidheenka – oo noqon doona warshadda ugu weyn Afrika ee koronto ka dhalisa biyaha – uu muhiim u yahay dhaqaalaheeda.

Hase yeeshee Masar ayaa ka cabsi qabta in mashruucan uu waxyeeleyn karo webigan oo 90% soo saara biyaha laga cabo dalkaas.

Biyo-xidheenka Dib-u-curashada weyn ee Itoobiya (GERD), waxa uu soo saari doonaa 6,000 oo megawatt oo koronto ah, marka lasoo geba-gebeeyo.

Biyo-xidheenka ayaa qeyb ka ah qorshe ay Itoobiya ku dooneyso inay ku noqoto dalka ugu weyn Afrika ee korontada dhoofiya.

More in focus

To Top