Connect with us

somalilandtoday.com

Golaha Guurtida Oo Guddi Nabadeed U Diray Deegaan Laga Helay Macdan Oo Uu Ka Dhacay Dagaal Beeleed

focus

Golaha Guurtida Oo Guddi Nabadeed U Diray Deegaan Laga Helay Macdan Oo Uu Ka Dhacay Dagaal Beeleed

Golaha Guurtida Oo Guddi Nabadeed U Diray Deegaan Laga Helay Macdan Oo Uu Ka Dhacay Dagaal Beeleed

(SLT-Sanaag)-Golaha Guurtida Somaliland ayaa Guddi u saaray Xallinta dagaal laba beelood oo Walaalo ah ku dhex maray deegaanka Shidan ee Gobolka Sanaag.

Fadhiga Maanta oo uu Shir-guddoominayey Guddoomiyaha Golahaasi Md. Saleebaan Maxamuu Aadan ayaa waxa lagaga dhawaaqay Magacyada Guddiga nabadeed ee Golahaasi Magacaabay, kuwaasi oo safar ku tagaya halka dhibaatadu ka dhacday.

Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Guurtida Somaliland Md. Siciid Jaamac Cali ayaa akhriyey Magacyada Xubnaha Guddiga ah ee loo xulay Xallinta colaadda deegaanka Shidan:-

Axmed Daahir Jirde (Guddoomiye)
Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan
Cali Maxamed Huruuse
Cumar Nuur Xasan
Maxamed Faarax Axmed
Axmed Xaaji Cabdi Xuseen
Xasan Cumar Axmed
Diini Cabdillaahi Handi
Cawil Cismaan Maxamuud
Khadar Xuseen Sahal
Cawil Cabdillaahi Caydiid
Deegaanka Shidan ee Guddigan nabadeed loo xulay markii labada Beelood isku dhaceen, ayaa la sheegay in laga helay Macdan noocyo kala duwan leh, Halkan hoose ka DAAWO

More in focus

To Top