Connect with us

somalilandtoday.com

Xildhibaan U Geeriyooday Cudurka CORONAVIRUS

focus

Xildhibaan U Geeriyooday Cudurka CORONAVIRUS

Xildhibaan U Geeriyooday Cudurka CORONAVIRUS

(SLT-Tehran)-Xildhibaan ka tirsan Baaralmaanka dalka Iran ayaa u geeriyooday cudurka Corona Virus sida ay xaqiijisay wakaaladda Wararka ee dalkaas taasoo muujineyso sida uu cudurkaan ugu faafay dalka Islaamiga ee Iiraan.

Mohammad Ali Ramazani Dastak kaasoo toddobaadkii hore loo doortay Xildhibaan ayaa la rumeysan yahay inuu u geeriyooday cudurka Corona Virus oo maalmo ka hor laga helay.

Xildhibaankaan ayaa dhintay saaka aroortii hore markii loo qaaday Cisbitaal kadib markii uu qabtay xanuun aad u daran oo uu sababay cudurka Corona Virus.

Xildhibaankaan ayaa noqonayaa siyaasigii u horreeyay ee u geeriyooda cudurkan, Waxaa sidoo kale Cudurka uu ku dhacay Madaxweyne ku xigeenka Iran iyo Wasiir ku xigeenka Caafimaadka dalkaasi.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Caafimaadka ee dalka Iran ayaa sheegay in cudurkaan ay u geeriyoodeen illaa 43 qof halka sidoo kale la helay 593 kiis oo ku saabsan cudurkaan.

Wadamo badan oo dunida ku yaalo ayaa iska joojiyey duulimaadyada ka imaanayo iyo kuwa tagaya dalka Iiraan oo ah wadanka labaad ee sida weyn uu u sameeyey cudurkaan marka laga reebo dalka Shiinaha oo ah halka uu markii hore cudurkaan ka bilaamay.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top