Connect with us

somalilandtoday.com

Mareykanka Iyo Taalibaan Oo Kala Saxeexday Heshiis Taariikhi Ah

focus

Mareykanka Iyo Taalibaan Oo Kala Saxeexday Heshiis Taariikhi Ah

Mareykanka Iyo Taalibaan Oo Kala Saxeexday Heshiis Taariikhi Ah

(SLT-Doha)-Mareykanka ayaa kooxda Taliban la saxeexday heshiis taariikhi ah maanta oo Sabti ah taasi oo u gogol xaadhi kareysa in ciidamada shisheeye ay ka baxaan dalka Afghanistan 14-ka bilood ee soo socda taasi oo soo afjareysa colaadda 18 sano jirsatay ee dalkaasi.

Inkasta oo heshiiskani uu qeexayo in Mareykanku uu si qayb qayb ah uga baxo dalkaasi Afghanistan, wadahadallada dhinacyada Afghanistan ayaa noqon kara kuwa aad u adag.

Heshiiskan ayaa waxaa ku kala saxeexday caasimadda Qatar ee Doha, ergayga wadaxaajoodka ee Mareykanda Zalmay Khalilzad iyo madaxa siyaasadda ee Taliban Mullah Abdul Ghani Baradar.

Xoghayaha Arrimaha Debedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa goob jog ka ahaa munaasabadda saxiixa heshiiskan.

Xoghayaha Difaaca Mareykanka Mark Esper ayaa u duulay magaalada Kabul, booqasho ay khubaradu ku sheegeen in looga gon leeyahay sidii xukuumadda Afghanistan loogu xaqiijin lahaa ka go’naanshaha Mareykanka ee taageerada dalkaasi.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ugu baaqay Taliban iyo xukuumadda Afghanistan iney fursaddan ka faaiideystaan, isaga oo xusay in haddii laga dhabeeyo ka mira dhalinta waxa lagu heshiiyey ay taasi horseedi doonto soo afjarista colaadda Afghanistan iyo in ciidanka Mareykanku ay dalkooda ku soo laabtaan.

Madaxweynihii hore ee Afghanistan Hamid Karzai ayaa u sheegay laanta Afghanistan ee Idaacadda VOA inuu ku faraxsan yahay saxeexa heshiiska nabadeed ee maanta waxaana uu xusay inuu ku raja weyn yahay in wadahadallada kooxaha Afghanistan ay si dhaqsa ah u bilowdaan.

Wadahadallo dhexmara Taliban iyo saraakiisha dowladda Afghanistan ayaa lagu wadaa iney bilowdaan muddo 10 cisho gudahood ah.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top