Connect with us

somalilandtoday.com

Maamulka Puntland Oo Digniin Adag U Diray Somaliland

focus

Maamulka Puntland Oo Digniin Adag U Diray Somaliland

Maamulka Puntland Oo Digniin Adag U Diray Somaliland

(SLT-Yubbe)-Wasiirka amniga maamulka Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan oo uu wehliyo taliyaha Ciidamada difaaca Puntland ayaa booqday fadhiisimaha Ciidammada Maamulka Puntland ee deegaanka Yubbe ee Gobolka Sanaag.

Wasiirka amniga Puntland ayaa ka hadlay dagaal Khasaare geystay oo maalmo kahor Ciidankood iyo kuwa Somaliland ku dhex-maray deegaanka lagu magacaabo Kadhada oo 18-KM u jira Yubbe, waxaana uu sheegay in Somaliland ay weerar kusoo qaadeen Ciidankooda.

Sidoo kale Wasiirka ayaa waxa uu sheegay in Ciidanka Puntland ay Khasaare ku gaadhsiiyeen ciidammada qaranka Somaliland weerarkii ay soo qaadeen, isla markaana laga qabsaday hub iyo gaadiid dagaal.

Wasiirka amniga Puntland ayaa tilmaamay in marar kala duwan ay Somaliland u sheegeen inay joojiyan Colaadda, hasayeeshee taasi ay suurta-gal noqon weyday, wuxuuna ugu hanjabay Somaliland inay Jawaab kala kulmi doonaan Colaadda ay ka wadaan gobolka Sanaag.

Ugu dambeyntii Wasiir Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa caddeeyay in Ujeedkooda haatan uu yahay sidii ay u tegi lahaayeen Magaalada Ceerigaabo ee Gobolkan Sanaag, waxaana uu Ciidanka maamulka Puntland ugu baaqay ilaalinta deegaanka.

More in focus

To Top