(SLT-Hargeysa)-Ka dib markii ay Wasiirrada Wasaaradaha Caafimaadka iyo Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland isla eegeen halista Cudurka Corona Virus (Karona-fayras-ka) (Covic19) oo dunida si xawli ah ugu faafaya iyo wacyigelinta Bulsho ee loo baahan yahay in la sameeyo, ayuu Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed Culimada dalka u soo jeediyey inay Bulshada ka wacyigeliyaan khatarta cudurkaas, maaddaama oo uu yahay mid Alle-ka cabsi uun lagaga badbaadi karo.
Sidaa daraaddeed, Culimada
oo Ajiibtay, fulisayna Farriinta Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, ayaa inta badan
Masaajiddada magaalooyinka Somaliland Khudbaddii Jimcaha ee shalay waxay ku soo
qaateen, isla markaana ku qaadaa dhigeen Corona Virus.
Magaalada Hargeysa Culimada
Khudbadihii Jimcaha kaga hadlay Xanuunkaas, waxa ka mid ahaa Sheekh Maxamed
Sheekh Cumar Dirir oo Khaddiib ka ah Masjidka Rusheeye iyo Sidoo kale Sheekh
Maxamed Aadan oo Khadiib ka ah Masjidka Cali Mataan, waxaanay sheegeen inuu
cudurkani u muuqdo cadho Illaahay iyo wax ay keeneen fasahaadka dunida ka jira,
mar haddii awood-sheegashadii dowladda Shiinaha iyo dhibta ay ku haysay
Muslimiinta ay aad u badnayd, iyaga laftooduna ay garawsadeen in culayskii ay
Muslimiinta dalkooda saareen Allaah ugaga aar-gudayo cudurkan aan xuduudka
lahayn.
Sidoo kale, Masjid Jaamaca
Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, ayuu Khudbad uu ka jeediyey Sheekh
Cabdiweli Sheekh Cabdillaahi Maxamuud kaga hadlay xanuunkaas, waxaanu u
mahad-celiyey Wasiirka iyo Masuuliyiinta Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta
Somaliland baraarujinta ay Culimada ku baraarujiyeen inay bulshada ka
wacyigeliyaan cudurkaas.
Masjidka Al-huda oo ka mid
ah Masaajiddada ugu waaweyn magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, waxa
Khudbadda Jimcaha ka jeediyey Sheekh Cabdiweli Maxamed Cali, waxaanu yidhi,
waxaanu soo jeediyey in loo baahan yahay inay dowladdu doorkeeda qaadato oo ka
hor-tag badan iyo xaddidaad dhaqdhaqaaqa dibedda ah la sameeyo.
Sheekh Cilmi Sheekh
Ismaaciil Sheekh Axmed, ayaa isna Khudbadda Jimcaha oo uu ka jeediyey Masjid
Jaamica magaalada Boorama, ayaa sheegay in wax kasta oo xaaraan ah laga
dheeraado, maaddaama oo waxyaabaha Allaah cunistooda xaaraantimeeyey ay aad u
cunaan Dadka Shiinuhu.
Masaajiddada Ceerigaabo,
Berbera iyo magaalooyinka kale ee dalka, ayey Culimadu kaga hadleen Khudbadihii
ay ka jeediyeen Cudurka Karonafayraska, waxaanay u Duceeyeen guud ahaan Ummadda
Islaamka, gaar ahaanna Dadka reer Somaliland oo ay u soo jeediyeen inay Allaah
ka-cabsiga, cibaadada eebbe xoojiyaan oo ay Alla-bariga badiyaan, Nadaafadda
iyo Dhaqanka wanaagsan ee Islaamkana ku dedaalaan.
Caabuqa Karona-fayr oo bilo
ka hor ka bilaabmay dalka Shiinaha, una gudbay dhawr iyo soddon dal oo kale,
ayey Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO sheegtay in dad ka badan 2,800 oo
ruux ugu dhinteen Dunida, kuwaas oo kun iyo dheeraad Shiinaha ugu dhinteen
cudurkaas, halka ku dhawaad 78,800 oo Qof oo kalena ay u jiifaan xanuunkaas,oo
astaamihiisa ay ka mid yihiin neef-qabatoow, duuf, xumad iyo is-beddel jidhka
ah.
WHO warbixin ay Jimcihii
shalay soo saartay ayey sidoo kale ku sheegtay in laga cabsi qabo inuu dunida
oo dhan saameeyo, marka loo eego xawaaraha uu ku socdo, iyadoo maanta oo qudha
ay kordheen 5 dal oo isla jimcaha shaaciyey inuu gaadhay cudurkaasi, isagoo si
xooggan u sameeyey isu socodka dalalka dunida iyo sidoo kale dhaqaalaha oo hoos
u dhac badani ku yimi.
Nuxurka Khudbadaha Culimada Somaliland ka kala jeediyeen Magaalooyinkaas Jimcihii maanta ee ay Xanuunkaas kaga hadleen, iyaga oo maqal iyo muuqaalba ah, waxaan idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-