Connect with us

somalilandtoday.com

Dowladda Sucuudiga Oo Ku Dhawaaqday Inay Joojisay Dadkii Cumrada U Tagayay

focus

Dowladda Sucuudiga Oo Ku Dhawaaqday Inay Joojisay Dadkii Cumrada U Tagayay

Dowladda Sucuudiga Oo Ku Dhawaaqday Inay Joojisay Dadkii Cumrada U Tagayay

(SLT-Riyadh)-Dowladda Sucuudiga ayaa Ku dhawaaqday inay hakisay dadka Muslimiinta ah ee Cumrada u tagayay Magaalooyinka barakeysan ee Sucuudiga oo dad badan ay isku diyaarinayeen inay soo cumreystaan.

Sucuudiga Wasaaradda u qaabilsan arrimaha Xajka iyo Cumrada ayaa Ku sheegtay in si KMG ah iyada oo cabsi iyo wel-wel weyn ka qabta xanuunka halista ah ee Coronavirus kaas oo kusii faafaya dalal badan oo caalamka ah.

Cudurka Coronavirus oo markiisii hore ka dillaacay Shiinaha waxa uu gaadhay dalal badan oo dunida ah waxaana weli laga cabsi qaba in uu sii gaadho dalal kale oo hor leh, waxaana lagu howlanyahay ka hortagiisa.

Go’aan hore oo ay soo saartay dowladda Sucuudiga ayaa ku sheegtay inay mamnuucday dadka gelaya Iiraan oo fara ba’an uu ku hayo cudurkaa, inta la xaqiijiyayna 19- ayaa u dhintay 200 oo kale ayaan la il-daran.

More in focus

To Top