Connect with us

somalilandtoday.com

Qaramada Midoobay Oo Ka Hadashay Kulankii Farmaajo Iyo Biixi

focus

Qaramada Midoobay Oo Ka Hadashay Kulankii Farmaajo Iyo Biixi

Qaramada Midoobay Oo Ka Hadashay Kulankii Farmaajo Iyo Biixi

(SLT-Hargeysa)-James Swan xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Somalia oo shalay warbixin siinayay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweeyay kulanka Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ku dhex maray xafiiska ra’isal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Horraantii bishan ra’isal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed wuxuu agaasimay kulan ay yeesheen Madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi,” ayuu yidhi Mr James Swan oo intaasi raaciyay in ay ka rajaynayaan wada hadal aragti togan ku dhisan.

Mr Swan wuxuu intaasi raaciyay in ay waajib tahay in Somaliland doorasho ka dhacdo sanadkan 2020 ” Somaliland waa in ay doorasho ka dhacdo, halka doorashada baarlamaanka in la qabto ay ugu dambeysay 2005, waxaan ku boorrinaya xukumadda iyo xisbiyada siyaasadda si loo helo dariiq looga dhaqaaqo cakirnaanta hadda taaggan, waa in doorashada baarlamaanka iyo goleyaasha degaanku qabsoomaan ka hor dhammaadka 2020,” ayuu yidhi Mr Swan.

Halkan hoose ka akhriso warbixintan

https://unsom.unmissions.org/remarks-un-envoy-james-swan-security-council-situation-somalia-24-february-2020

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top