Connect with us

somalilandtoday.com

Askar Turkish Ah Oo Lagu Dilay Liibiya

focus

Askar Turkish Ah Oo Lagu Dilay Liibiya

Askar Turkish Ah Oo Lagu Dilay Liibiya

(SLT-Tripoli)-Madaxweynaha Turkey Reccep Tayyip Erdogan ayaa Salaasada Maanta ah sheegay in laba askari oo Turkish ah lagu dilay dalka Libya, halkaasi oo ay u joogaan taageeridda dowladda caalamku aqoonsan yahay.

Turkey ayaa waxay dowladda Tripoli ka caawineysaa inay iska caabiso weerarada kaga imanaya Jeneral-ka fallaagada ah ee Khalifa Haftar oo doonaya inuu xukunka qabsado.

“Laba askari ayaa nooga shahiiday dalka Libya,” ayuu yidhi madaxweyne Erdogan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Ankara.

Madaxweyne Erdogan ma shaacin goorta la dilay askartaas.

Sabtidii, Jeneral Khalifa Haftar ayaa sheegtay in ciidamadiisa ay dileen 16 askari oo Turkish ah, toddobaadyadii tagay.

Tan iyo markii ciidamada Turkish-ka lagu daad gureeyey dalkaas, islamarkaana agab millatari oo horumarsan la siiyey ciidamada dowladda, kooxda Haftar ayaa waxay lumiyeen qaar ka mid ah dhulkii ay hore u qabsadeen.

Jeneral Haftar ayaa waxaa taageera dalalka Imaaraadka Carabta, Masar iyo Ruushka, halka dowladda Tripoli ay tagaeero ka hesho Turkey iyo Qatar.

Dhinaca kale, madaxweyne Erdogan ayaa mar kale ku celiyey war uu shaaciyey toddobaadkii tagay, oo ahaa in qaar ka mid ah dagaal-yahanada Syria ee Turkey ay taageerto ay ciidamada dalkiisa kula sugan yihiin Libya.

REUTERS

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top