Waxa la isku haystaa ba waa intaas. Somalia uma aragto Somaliland inay tahay dal. Somaliland waxa ay isu taqaan inay tahay dal madax banaan oo leh dawlad sharci ah.
Aduunyadu weli uma aqoonsan
Somaliland inay tahay dal madax-banaan oo gaar u taagan.
Aqoonsigu maaha arin sharci
oo jawaabtiisa laga helayo kutubta xeerarka caalamiga ah. Waa go’aan siyaasi ah
oo ay qaadato laanta fulinta ah ee dal kale. Uma baahna ansixinta baarlamaanka.
Tusaale ahaan hadii xukuumadda Ingiriisku go’aansato inay Somaliland u
aqoonsato dal madax-banaan, waxa talaabaas qaadaya oo ay gaar u tahay raysal
wasaaraha ee uma baahna in aqalka Baarlamaanku ansixiyo ama diido. Si taas la
mid ah Baarlamaanka Ingiriisku ma aqoonsan karo Somaliland, hadii uu soo saaro
qaraar uu ku aqoonsanayo na ma yeelanayo raad sharci oo waxba kama bedelayo
meeqaamka dawladda Ingiriisku u taqaan Somaliland ama dal kale oo aqoonsi
raadinaya. Marka aad xagaas ka eegto waa wax fudud, balse waxa adkeeyey
dabeecadda aqoonsiga oo ah mid siyaasi ah.
Culimada sharcigu way ku
kala aragti duwan yihiin saamaynta sharci ee aqoonsigu ku leeyahay jiritaanka
dal. Qaarkood waxa ay qabaan inaan aqoonsigu ahayn ka go’aamiya dalnimada (statehood)
ee jiritaanka dalku ku xidhan yahay buuxinta shuruudaha Mucaahadada Montevideo
ku qoran. Sidaasdarteed, waxa ay qabaan in hadii dal buuxiyo shuradahaas kuna
dhawaaqo madax-banaani inuu sidaas ku yahay dalku mid jira oo madax banaan ee
aanu u baahnayn oo aanay shardi ahayn in dal kale aqoonsado.
Culimada sharci ee taas ka
soo horjeedaa waxa ay qabaan in aqoonsigu yahay shardi ka mid ah shruuudaha dal
lagu noqon karo. Hadii aan la aqoonsanayn, kayaankaasi maaha dal madax-banaan
oo leh jiritaan dalnimo, ayay ku doodayaan.
Aqoonsigu si guud waa mid la
xidhiidha dalnimada (statehood) iyo mid la xidhiidha dawladda (government). Ka
hore waa marka dalku yahay mid ku cusub dunida sababtu waxa ay doonto ha
noqote. Waxa ay noqon kartaa inuu ka dhasay isku biiris dalal, kala googo’ dal
hore u jiray, isku xidhan qaybo dalal kale iyo habab kale oo kala duwan.
Aqoonsiga dawladdu waxa uu
la xidhiidhaa marka dalka la aqoonsan yahay balse xukuumadda ka talisaa ay
tahay mid aan ku iman sifo sharci ah. Badiyaa waxa ay dhacdaa marka af-gembi
dhaco ama kacdoon dadwayne afka dhulka u daro dawlad kale sifo rabshadaysan oo
aan marin hanaan sharci. Somalia, tusaale ahaan, sidii ay u burburtay dawladii
dhexe sanadkii 1991 may lahayn dawlad aduunku aqoonsan yahay ka hor sanadkii
2012 oo ah markii dalal badan oo Maraykanku ugu horeeyey ay go’aansadeen inay
aqoonsadaan dawladda Somalia. Ilaa hada waxa jira dalal aan si rasmi ah u
aqoonsan dawladda Somalia oo aan ula dhaqmin dhokumentiyadeed iyo haybadeeda
dawladeed si la mid ah dawladaha kale. Balse dalalkaasi way aqoonsan yihiin
dalka Somalia.
Maadaama oo aqoonsigu yahay
arin siyaasadeed cid walba oo raadinaysa inay aqoonsi hesho waxa la gudboon
inay qaado talaabooyin siyaasadeed oo ku dhisan istiraajiyado iyo qorshayaal
habaysan oo ku foogan dalalka ay hubaasha tahay in la leexin karo fekerkooda
iyo mawqifkooda siyaasadeed. Si kasta oo aad xaq ugu leedahay aqoonsi, ma jirto
cid gar sharci dhegaysanaysa sababta oo ah ma jirto maxkamad aduun ama dawlad
aduunka ka dhexaysa oo aad u gudbin kartid dacwad iyo qadiyad aad leedahay si
ay uga go’aan gaadho. Cidda aad qancinaysaa waa hogaamiye siyaasadeed. Taasina
waxa ay xudunta iyo udub dhexaadka raadinta aqoonsiga dhigaysaa danaha
dawladaha kale (interest). Waydiintu waa inay noqoto dal hebel maxa ugu jira
inuu ku aqoonsado, maxaase kaga xumaanaya?
Sidee baad ku tusi kartaa
dal inay dani ugu jirto inuu ku aqoonsado? Dan dhaqaale, mid siyaasasadeed, mid
istiraajiyadeed, mid ciidan, mid amaan iyo qaar kale oo badan ayaa muhiim ah in
si cilmiyaysan loo derso. Waxa duruuri ah in la fahmo oo la lafo-guro fekerka,
cabsida iyo rabitaanka hogaamada siyaasadeed ee dalalka wax laga raadinayo. Waa
in isha lagu hayo oo lagu fogaanaado dhaq-dhaqaaqyada dalalka gudohooda ka
socda.
Runta biyo kama dhibcaanka
ahi waxa ay tahay inaan aqoonsi lagu helin xaqnimo ama hadiyad ama in lagaa
naxo ama doodaadu saxan tahay. Falastiin ayaa taas wax ku helin lahayd. Ama
Taiwan ayaa ku socon lahayd. Kosovo na lama siiyeen aqoonsi. Waxa labada hore
hortaagani waa quwado iyo dano siyaasadeed. Waxa Kosovo u sahlayna waa dano
siyaasadeed oo tuurta ku sitay.
Arday Sharciga Caalamiga ah iyo Qaanuunka Caalamiga ah anoo ah ayaan fekerkan idin la wadaagay oo malahayga wax iiga baxsan yihiin labada ba.
W/Q Guuleed Dafac