Connect with us

somalilandtoday.com

Raysal Wasaaraha Dalka Malaysia Oo Is-casilaad Gudbiyay.

focus

Raysal Wasaaraha Dalka Malaysia Oo Is-casilaad Gudbiyay.

Raysal Wasaaraha Dalka Malaysia Oo Is-casilaad Gudbiyay.

(SLT- Malaysia)-Raysal wasaarahii dalka Malaysia Mahathir Maxamed ayaa goor dhawayd boqorka dalka Malaysia u gudbiyay inuu is casilay.

Is casilaadiisa ayaa ku soo beegantay khilaaf horleh oo hadheeyay isbahaysiga xukuumadiisu ka koobnayd, taasi oo u kala jabisay laba garab.

Khilaafka ayaa yimid ka dib markii Raysal wasaare Mahatir uu diiday inuu raaco jadwalka uu xilka raysal wasaaranimo ugu wareejinayo Anwar Ibraahim.

Wararka ayaa tibaaxaya in is casilaadiisa uu uga dan leeyahay siduu uga bixi lahaa gaashanbuurtii Pakatan Harapan, isla markaana isla maantaba uu usoo dhisi lahaa xukuumad uu isbahaysi la sameeyo xisbiyada kale.

Mahatir Maxamed iyo Anwar Ibrahim ayaa isbahaysi ay ku midoobeen oo loo bixiyay Pakatan Harapan (isbahaysiga rajadii cusbayd) waxay doorashaddii kaga adkaadeen xisbigii UMNO oo muddo 60 sannadood ah Malaysia soo xukumaayay.

Mahatir iyo Anwar ayaa sannadahii 90 naadkii ka ahaa xisbigaasi UMNO hogaamiye iyo ku xigeen, iyagoo markii danbana isku dhacay taasina keentay in Anwar xabsiga la dhigo.

Khilaafkooda oo la moodaayay labada nin inay xaliyeen ayaa 30 sanno ka dib dib usoo cusboonaday

Mahatir Maxamed ayaa ah hogaamiyaha ugu da’da weyn adduunka waa 94 sanno jir.

More in focus

To Top