(SLT-Qaza)-Millateriga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymo dhanka cirka ah oo ay ka fuliyeen marinka Qaza iyo Suuriya ay ku bartilmaameedsadeen kooxo jihaad doon ah.
Weeraradan ayay Israa’iil
sheegtay in lagaga jawaabayay gantaalo lagu soo weeraray dalkeeda gaar ahaan
dhanka Koonfureed.
“Waxaanu
bartilmaameedsanay saldhigyo ay kooxaha jihaad doonka ah ku leeyihiin Koonfurta
caasimadda Dimishiq iyo marinka Qaza,”ayay yidhahdeen millatreriga
Israa’iil.
Waxaa adag in Israa’iil ay
sheegato weeraro ay ka fuliso gudaha dalka Suuriya, waxaana ay sheegeen in
milaterigoodu uu bartilmaameedsaday “xarun ay ka hawlgalaan kooxaha jihaad
doonka ah” oo ay sheegtay inay ku dhuumaleystaan gudaha Qaza iyo Suuriya.
Haseyeeshee Dowladda Suuriya
ayaa sheegtay inay soo ridday inta badan madaafiicdii lagaga soo tuuray dhanka
Israa’iil. Saraakiisha caafimaadka ee Falastiiniyiinta ayaa sheegay in afar qof
ay ku dhaawacmeen Qaza, isla markaana aysan jirin wax dhimasho ah.
Weeraradan ayaa imaanaya
iyadoo maalin ka hor ay Koonfurta Israa’iil kusoo dhaceen madaafiic gaaraya 20
oo laga soo riday marinka Qaza, mana jirto wax khasaara ah oo ka dhashay
weeraradaasi.
Xiisadda ayaa bilaabatay
maalin kahor, kadib markii Israa’iil ay sheegtay in xadka Qaza ay ku dishay
shakhsi ka tirsan kooxaha Islaamiyiinta ee Falastiiniyiinta ah.
Xukuumadda Tel Aviv waxaa
kale oo ay sheegtay in ninkaasi uu qaraxyo ku rakibayay dhanka xadka.
Muuqaalo si aad ah loogu baahiyay
baraha bulshada ayaa muujinaya cagacagaf Israa’iil leedahay oo qaadaysa meydka
ninka la dilay, arrintaas oo ka careysiisay dad badan oo Falastiiniyiin ah.
Qaar kamid ah shacabka
Falastiiniyiinta ayaa ku baaqay in loo aarguda, saacado kadibna waxaa madaafiic
lagu garaacay Israa’iil, taas oo keentay in la weeraro Qaza.
Islamic Jihad, oo ay
taagaeerto Iran, waa mid kamid ah kooxaha ugu adag ee ka dagaalama marinka
Qaza, waxayna xulafo la yihiin kooxda kale ee Xamaas, kuwaas oo dagaallo dhowr
ah la galay Israa’iil.
Gacan ka hadalka u dhaxeeya
Israa’iil iyo kooxdan ayaa soo bilawday bishii Nofembar ee sanadkii hore,
xilligaas oo Israa’iil ay duqeyn dhanka cirka ah ku dishay sarkaal sare oo
katirsan kooxdaas gacan saarka la leh Iran.
Isku dhaca ciidamada
Israa’iil iyo Falastiniyiinta ayaa dhacay horraantii sanadkan, maalma uun kadid
markii Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump uu daaha ka rogay qorshihiisa
cusub ee nabadda bariga dhexe.