(SLT-Hargeysa)-Xarun Caafimaad oo ku taalla Magaalada Hargeysa ayaa Xalay Saqdii dhexe uu dab ka kacay, waxaana ka dhashay khasaare Hantiyeed.
Sidaana waxa lagu sheegay
War Qoraal ah oo ka soo baxay Ciidammada Dab-damiska Caasimadda Hargeysa, kaasi
oo u qornaa sidan “Abaaro 2:45 ee habeenimadii xalay ayaa dab xooggan ka kacay
goobta sawirrada Caafimaadka ee Hayat Diagnostic Centre, dabkan oo ahaa dab
laxaad leh ayaa ka bilaabmay dhismaha oo ka koobnaa laba qaybood, dhisme hore
iyo dhismayaasha dambe ee casriga ah.
Dhismaha qaybta hore ayaa
dabku ka bilaabmay kuna xooganaa iyadoo halkaasna ka dhashay khasaare
hantiyeed, halka dhismaha cusub ee fooqa ah ay ciidanka Dab-demisku dabkaa ka
xakameeyeen kana hor istaageen inuu ku fido dabku, iyo meherado oo u badnaa
bakhaaro oo ku dhinac yaalay.
Dabkan waxaa ka hawlgalay 12
Gaadhi oo Dab-demis ah iyo 85 Xubnood oo heegan u ahaa haddii dabku sii fido,
kuwaasoo ka kala yimi dhamaan xarumaha ciidanka Dab-demiska Caasimadda
Hargeysa.
Waxaa dabkan dhaawac ka soo
gaadhay 4 Xubnood oo Ciidanka Dab-demiska ah, kuwaasoo ku hawlanaa xakamaynta
iyo nabadgelyanta qalabka cusbitaalka.
Dhinaca kale Taliyaha
Ciidanka Dab-demiska sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili ayaa isagoo
hawlgalka ku jira laba jeer ku siibtay marmarka goobtaas.
Hawlgalkan ayaa ilaa
habeenimadii xalay ilaa saaka subaxdii hore ay heegan ku ahaayeen goobtaas
Taliyaha Ciidanka Dab-demiska, Taliye Xigeenka, Agaasimaha Fulinta Ciidanka
Dab-demiska iyo dhamaan saraakiisha ciidanka, sidoo kale waxaa iyaguna
hawlgalkaa ka qayb qaatay labada Taliye qaybeed ee Ciidanka Booliska Caasimadda
iyo xarumahooda.
Dabkan ayaa la soo
gabagabeeyay abaaro 6:45 Subaxnimo ee subaxnimadii hore saaka, waxaana ciidanka
Dab-demisku badbaadiyeen hanti badan oo dhex taalay dhismaha goobtaas, iyadoo
dhamaan dabkaas laga hakiyay dhismaha cusub ee xarunta oo ay yaalleen qalab aad
u farabadan.”