Connect with us

somalilandtoday.com

Ramla Cali Oo U Soo Baxday Tartanka Is-reebreebka Feedhka Afrika

focus

Ramla Cali Oo U Soo Baxday Tartanka Is-reebreebka Feedhka Afrika

Ramla Cali Oo U Soo Baxday Tartanka Is-reebreebka Feedhka Afrika

(SLT-Dhakar)-Ramla Cali oo ah gabadh Soomaaliyeed ayaa u soo baxday Rubuc dhammaadka Isreebreebka Feedhka Afrika ee loogu soo gudbayo Ciyaaraha Olambikada Adduunka ee magaalada Tokiyo ee Cariga Jabaan.

Ciyaartaasi oo ka dhacday magaalada dhakar ee dalka Senegaal, ayay Ramla garaacday Beatrice Akoth oo u dhalatay dalka Kenya, waxayna hadda u baahan tahay inay kulanka soo socda guulleysato, si ay taariikh u sameyso, islamarkaana ay u noqoto gabadhii ugu horreysay ee Soomaaliyeed ee Feedhyahanad ah ee ka qeyb gasha ciyaaraha Olambikada Adduunka.

Ramla Cali ayaa ku dhalatay magaalada Muqdisho balse waxa ay hadda ku nooshahay magaalada London ee dalka Ingiriiska.Tartano badan oo ay ka qeybgashay ayay Ramla ku guulleysatay billado.

More in focus

To Top