(SLT-Hargeysa)-Xukuumada Somaliland ayaa shaacisay goob dalxiis oo cusub oo laga helay duleedka degmada Sheekh ee Gobolka Saaxil.
Munaasibadan lagu
shaacinayay goobtan dalxiis ee la helay duleedka degmada Sheekh ayaa waxa goob
joog ka ahaa wasiirka ganacsiga wershadaha iyo dalxiiska, agaasimaha guud ee
wasaraadaasi iyo khubrada cilmi baadhista ka sameeyay goobtaasi oo ka socday
dalka Spain
Ugu horeyn agaasimaha waaxda
aasaarta qadiimiga ah ee wasaarada ganacasiga wershadaha iyo dalxiiska Ayaanle
Cabdiraxmaan Ibraahim ayaa u mahad celiayay khubarada helay goobta dalxiis ee
Fardawsa oo ku taala degmada Sheekh ee gobolka Saaxil isagoo tilmaamay in ay
khubaradaasi ay hagar baxeen sidii loo xaqiijin lahaa fardawsa in ay tahay goob
dalxiis oo kusoo kordhay goobaha qadiimiga ah ee dalka Somaliland
Eng Cabdiraxmaan Muxumed
Abdeeq ayaa dadka u dhaw goobtaasi iyo guud ahaan shacabka ku dhaqan degmada
Sheekh ugu baaqay in ay ka fogaadaan goobta ay ku taalo fardawsa isla markaa ay
dhinacooda ka ilaaliyaan maadaama ay tahay goob dalxiis oo qaranku leeyahay
Maxamuud Xasan Sacad Saajin
wasiirka wasaarada ganacsiga warshadaha iyo dalxiiska Somaliland ayaa dhankiisa
ka waramay muhiimada ay goobaha dalxiisku u leeyihiin dalka iyagoo ahmiyad
balaadhan u leh dhinaca dhaqaalaha maadaamada goobaha dalxiiska ay soo jiitaan
dalxiisayaasha dibada
Gabagabdii mid ka mida
khubaradii cilmi baadhista ku samaysay goobta ayaa ka waramay marxaladihii ay
soo martay cilmi baadhista goobtaasi ay ku sameeyeen isagoo sheegay in ay goob
taariikh fac weyn leh oo soo jiidan doonta dalxiisayaasha Aduunka.