Connect with us

somalilandtoday.com

Somalia Oo Saxeexday Heshiis Gantaallo Oo Caalami Ah

focus

Somalia Oo Saxeexday Heshiis Gantaallo Oo Caalami Ah

Somalia Oo Saxeexday Heshiis Gantaallo Oo Caalami Ah

(SLT-Muqdisho)-Dowladda Soomaaliya ayaa saxeexday heshiis mamnuucaya faafidda gantaalada balaastikada ee xambaara hubka wax gumaado, heshiiskaas oo loo yaqaano Hague Code of Conduct.

Heshiiskaan ayaa waxaa si wadajir ah u saxeexay illaa 143 dal, waxayna Soomaaliya kamid tahay wadamada heshiiskaas saxeexay.

Sharcigaan ay saxeexeen 143 dal oo ay kamid tahay Soomaaliya ayaa waxaa la meel mariyey sannadkii 2002.

Midowga Yurub ayaa dadaal dheer ku bixiyey sidii Sharcigaan loo ansixin lahaa, waxaana lagu guulleystay in  dhammaan 27 wadan ee Mudowga Yurub ka tirsan ay saxeexeen Heshiiskaan dhigayo in laga hortago faafidda Hague Code of Conduct.

More in focus

To Top