Connect with us

somalilandtoday.com

Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Dalka Mareykanka Oo Shaqo Ka Tagis Qorsheynaya

focus

Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Dalka Mareykanka Oo Shaqo Ka Tagis Qorsheynaya

Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Dalka Mareykanka Oo Shaqo Ka Tagis Qorsheynaya

(SLT-Washington)-Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Mareykanka mr William Barr ayaa ka fiirsanaya in uu ka tago xafiiska sida ay xaqiijiyeen xubno ka Agdhow.

Go,aanka mr Barr ku doonayo in uu isku casilo ayaa la xidhiidhinayaa kadib markii madaxweyne Trump uu ka biyo diiday digniin uu u diray oo ku aadan qoraalada uu soo dhigayo barta Twitter ka ee ka dhanka ah garsoorka Mareykanka.

Mr Barr ayaa maalmo ka hor u sheegay warbaahinta in hadalada Trump ee la xidhiidha dacwadaha garsoorka aysan u saamaxeyn in howshiisa uu sii wato Shaqadiisa.

Saraakiil ka tirsan xukuumadda Washington ayaa ka gaabsaday ka hadalka Arintaan.

Dhanka kale afhayeenka xeer ilaaliyaha guud ee Mareykanka ayaa beeniyay in uu iscasilayo mr William Barr.

More in focus

To Top