Connect with us

somalilandtoday.com

“Raaligelinta Farmaajo Waan Guddoomay…” Biixi

focus

“Raaligelinta Farmaajo Waan Guddoomay…” Biixi

“Raaligelinta Farmaajo Waan Guddoomay…” Biixi

(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa ku dhawaaqay in uu si buuxda u aqbalay raalligelinta madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo u soo diray umadda Somaliland,

Waxa uu sheegay in ay bilaw fiican oo dhanka nabadda iyo iskaashiga loo qaaday tahay in madaxweynaha Soomaaliya qiray oo Dunida iyo Soomaalida ba u sheegay dhibaatadii ku dhacday bulshada Somaliland laakiin, aanu u bogin arrinta ku saabsan in SNM lafteedu raalligelin bixiso.

Madaxweyne Biixi oo ka hadlayay kulankii isaga iyo Farmaajo ku dhexmaray xafiiska ra’isal wasaaraha Itoobiya waxa uu sheegay in Dr Abiy xafiiskiisa ku martiqaaday markii uu u tagayna ku wargeliyay in Farmaajo u imanayo sidaasna uu ku dhacay kulan aan ku talo gal iyo diyaar garow lahayn. waxa uu sheegay in Abiy Axmed u sheegay in uu galayo khilaafka Somaliland iyo Soomaaliya ee riiq dheeraaday, islamarkaana ay isaga iyo Farmaajo aqbaleen.

Arrinta ah in Farmaajo yimaaddo Hargeysa ayuu ku tilmaamay mid xagal daacinaysa kulankii ay yeesheen iyo raalligelintii uu bixiyay labadaba, halkan hoose ka DAAWO

More in focus

To Top