Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweyne Biixi Oo Faah-faahin Ka Bixinaya Kulankii Farmaajo Iyo Imaatinkiisa Hargeysa

focus

Madaxweyne Biixi Oo Faah-faahin Ka Bixinaya Kulankii Farmaajo Iyo Imaatinkiisa Hargeysa

Madaxweyne Biixi Oo Faah-faahin Ka Bixinaya Kulankii Farmaajo Iyo Imaatinkiisa Hargeysa

(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa in uu faah-faahin ka bixiyo Kulankii uu Madaxweyne Farmaajo kula soo qaatay caasimada Itoobiya ee Addis-Ababa.

Madaxweyne Biixi ayaa hortagi doona bari oo Salaasa ah labada golle ee Baarlamaanka wakiilllda iyo Guurtida, isagoona ka jeedin doona khudbad sannadeedkii Dastuuriga aheyd, midaasi oo la filayo in uu si gaar ah ugu warbixiyo natiijada kulankaasi iyo waxqabadka xukuumaddiisa.

Madaxweyne Biixi ayaa markuu Golaha hortago ka warbixin doona waxyaabihii ka soo baxay kulankii uu la qaatay Farmaajo, iyo waxa ka jirra safarka la sheegay in uu Madaxweyne Farmaajo ku iman doono magaalada Hargeysa.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa la filayaa in uu khudbadaasi ku soo qaato Raali-gelintii uu Farmaajo dhowaan siiyey reer Somaliland, taasi oo la xidhiidhay xasuuqii ay dowladdii kacaankii ay ku qaaday dadka reer Somaliland.

Waxa kale oo uu Madaxweynuhu diirada saari doona khilaafka baahsan ee hadheeyay qabsoomida doorashooyinka iyo Komishanka cusub ee sii huriyey xiisada ka taagan doorashooyinka Somaliland.

Khudbada Madaxweynaha ee la filayo in uu maalinta bari ah ka horjeediyo Golaha ayaa noqon doonta mid uu si mug leh uga warbixiyo kulankii uu la qaatay Farmaajo oo ay dul hoganayaan su’aalo badan oo ay ka gaabsadeen labada dhinac.

More in focus

To Top