Connect with us

somalilandtoday.com

Diyaaradaha Israa’iil Oo Loo Fasaxay Hawada Sudan

focus

Diyaaradaha Israa’iil Oo Loo Fasaxay Hawada Sudan

Diyaaradaha Israa’iil Oo Loo Fasaxay Hawada Sudan

Diyaarad ay leedahay Israa’iil ayaa markii u horreysay ku duushay hawada dalka Sudan taasi oo uu Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benajmin Netanyahu ku sheegay tusaale kale oo ku aadan hagaajinta xidhiidhka dalalkii ay hore isku hayeen.

Israa’iil ayaa farsamo ahaan dagaal la ah dalka Sudan, oo taageerta kooxaha Islaamiyiinta ah oo ay ku jiro Alqaeda oo ay mar caawin jirtay xilligii Madaxweyne Cumar Al-Bashir.

Bashir ayaa Ciidammada qalabka sida ee dalkaasi ay xilka ka eryeen bishii April ee sanadkii hore ka dib banaanbaxyo socday muddo billo ah oo dowladdiisa lagaga soo horjeeday.

“Diyaaradda Israa’iil waxa ay dhaaftay shalay hawada Sudan. Waa mid muujineysa isbadal,” ayuu Netanyahu ugu sheegay magaalada Qudus xubno ka tirsan hogaamiyeyaasha Yuhuudda Mareykanka ah, mana aanu bixin wax tafaasiil ah.

Wargeyska Haaretz ee ka soo baxa Israa’iil ayaa ka soo xigtay sarkaal ka tirsan dowladda oo aan magaciisa la sheegin ayaa in diyaaraddu ay ahayd mid khaas ah.

Netanyahu ayaa laba toddobaad ka hor la kulmay hogaamiyaha Sudan Abdel Fattah al-Burhan taasi oo ay xafiiska Ra’iisulwasaaraha Israa’iil ku sheegeen wadahadallo looga gon leeyahay in caadi laga dhigo xidhiidhka labada dal.

Afhayeenka dowladda Sudan ayaa sheegay in Burhan “aanu siin wax ballan ah oo ku aadan in caadi laga dhigo xidhiidhka labada dal ama ay yeeshaan xidhiidh dublumaasiyadeed.”

Sudan ayaa ka mid ahayd wadamada Carbeed ee muddo go’doominta ku haayay Israa’iil sababo la xidhiidha habka ay Israa’iil kula dhaqanto Falastiiniyiinta iyo haysashadeeda dhul Carbeed.

Markii uu dhammaaday dagaalkii lixda cisho ee sanadkii 1967-kii kaasi oo Israa’iil ay kula wareegtay dhul ballaadhan oo Falastiiniyiintu leeyihiin iyo sidoo kale buuraleyda Golan Heights oo laga qabsaday Suuriya, ayaa madaxda wadamada Carabtu waxa ay ku kulmeen magaalada Khartoum halkaasi oo ay ka soo saareen qaraarka loo yaqaan “3 maya” oo kala ah; Nabad maya, aqqoonsi maya, wadaxaajood lala yeesho Israa’iil maya.

Wadamada Khaliijka ayaa dhowaanahan sameeyey calaamado muujinaya iney hagaajinayaan xidhiidhkooda Israa’iil oo ay wadaagaan cadaawadda ku wajahan Iran.

Netanyahu ayaa booqday dalka Cumaan sannadkii 2018 wuxuuna ku celceliyaa in go’doomintii dalkiisu ay soo idlaaneyso iyadoo aanay jirin wax qorshe nabadeed ah oo lala galay Falastiiniyiinta.

Masar iyo Jordan ayaa ah laba dal ee Carab ah ee xidhiidhka tooska ah ee dublumaasiyadeed la leh Israa’iil.

AFP

More in focus

To Top