Connect with us

somalilandtoday.com

Wada-hadallo U Socday Dalalka Qatar Iyo Sucuudiga Oo Fashilmay

focus

Wada-hadallo U Socday Dalalka Qatar Iyo Sucuudiga Oo Fashilmay

Wada-hadallo U Socday Dalalka Qatar Iyo Sucuudiga Oo Fashilmay

(SLT-Doha)-Wada-hadallo la doonayey in lagu soo geba-gebeeyo xayiraadii ay Qatar saareen dalalka deriska lah, ayaa fashilmay bishii Janaayo, waxaa sidaas Sabtidii shalay shaaca ka qaaday wasiirka arrimaha dibedda Qatar.

Dhowr dal oo Carbeed ayaa xidhiidhka siyaasadeed, kan ganacsi iyo midka socdaalba u jaray Qatar badhtimihii 2017, iyaga oo ku eedeynaya inay taageerto argagixisada.

Wada-hadallada ayaa billaamay October 2019, iyada oo ujeedka uu yahay in lagu soo geba-gabeeyo is-marin waaga.

Si kastaba, isaga oo ka hadlayey Shirka Ammaanka Munich, ayaa wasiir Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani waxa uu sheegay in wada-hadallada ayna guulleysan.

“Saddex sano ayaa hadda laga joogaa. Ma ahayn kuwa dhibka billaabay, haddana waxaanu diyaar u nahay in dhibaatadan la xaliyo,” ayuu yidhi.

“Nasiib-darro dadaalladii socday ma guuleysan, waxaana wada-hadallada la joojiyey bishii Janaayo, Qatar-na mas’uul kama aha taas.”

Wasiirka ma bixin sharaxaad dheeri ah oo ku saabsan hakinta wada-hadallada, inkasta oo bilihii dhowaa ay muuqanayeen astaamo muujinaya inay dib u heshiin karaan Saudi Arabia iyo Qatar.

Bishii December, ra’iisul wasaarihii xilligaas ee Qatar Sheikh Abdullah bin Nasser Al Thani ayaa ka qeyb-galay shirkii Golaha Iskaashiga Khaliijka ee Riyadh, isaga oo noqday mas’uulkii ugu xilka sarreeyey ee ka socda Qatar ee ka qeyb-gala shirkaas, tan iyo 2017.

Wixii markaa ka dambeeyey waxaa jiray isu soo dhowaansho labada dhinac ah, hase yeeshee sida muuqata ma midho dhalin dadaalladii socday.

More in focus

To Top