Connect with us

somalilandtoday.com

Wiil Soomaali Ah Oo Iska Dhigay Gabadh Oo Lagu Xidhay Turkiga

focus

Wiil Soomaali Ah Oo Iska Dhigay Gabadh Oo Lagu Xidhay Turkiga

Wiil Soomaali Ah Oo Iska Dhigay Gabadh Oo Lagu Xidhay Turkiga

(SLT-Ankara)-Wararka ka imanaya dalka Turkiga ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ay baadhitaan ku hayaan wiil Soomaali ah oo lagu qabtay garoonka diyaaradaha magaalada Ankara kadib markii uu soo xidhey dharka dumarka.

Wiilkan Soomaaliga ah oo la yidhaahdo Ibraahin Maxamed ayaa la qabtay isagoo ku safraya dukumintii ay leedahay gabadh Soomaali ah oo muuqaal ahaan isku ekeeysiiyay.

Sidoo kale Booliska ayaa qabtay gabadha lahayd baasboorka oo magaceeda lagu sheegay Khadiijo iyadoo dooneysay inay ka baxdo garoonka diyaaradaha magaalada Ankara.

Ninkan iska soo dhigay gabadha ayaa xidhnaa dharka ay dumarka xidhaa sida goono, madaxana u saarnaa qamaar, waxa uu sidoo kale xidhnaa jaakad, ninkan ayaana sidoo kale wajiga soo marsaday waxyaabaha ay dumarka isku qurxiyaan.

Dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa waddo walba u mara inay ku galaan dalalka Yurub iyagoo qaarkood mara badaha halka kuwo kalana ay isku dayaan inay ku dhoofaan dukumintiyo been abuur ah.

More in focus

To Top