Connect with us

somalilandtoday.com

Hay’adda PUNTLAND U Qaabilsan Baadhista Dambiyada Hidasidaha DNA Oo Kala Saartay 50 Carruur Ah Oo La Isku Haystay

focus

Hay’adda PUNTLAND U Qaabilsan Baadhista Dambiyada Hidasidaha DNA Oo Kala Saartay 50 Carruur Ah Oo La Isku Haystay

Hay’adda PUNTLAND U Qaabilsan Baadhista Dambiyada Hidasidaha DNA Oo Kala Saartay 50 Carruur Ah Oo La Isku Haystay

(SLT-Garoowe)-Hay’adda maamulka Puntland u qaabilsan baadhista danbiyada hidasidaha DNA iyo Raadadka faraha ee loo yaqaano Forensic Science, ayaa sheegtay inay kala saartay 50 carruur ah oo ay isku haysten dad sheeganayay inay dhaleen.

Agaasimaha hay’addan Dr.Cabdirashiid oo BBC la hadlay ayaa sheegay kala saaristaan in ay u mareen adeegsiga paternity testing oo ah, Tijaabada aabanimada DNA, si loo go’aamiyo bal in shaqsigu yahay waalidka dhalay iyo in kale.

“Waxaanu qabanay oo aan kala saarnay illaa iyo hadda dad isku haystay 50 carruur ah. Waxaa naloo keenay carruur ay su’aal ka taaganayd cidda dhashay,” ayuu yidhi DR. Cabdirashiid, agaasimaha Puntland Forensic Science.

Dr.Cabdirashiid waxa uu tilmaamay in ay baadhitaankaan 100% u adeegsadeen habka loo yaqaano “STRs” oo ah isbarbar dhigga ku celcelisyada halbeegga DNA, oo ah marka la rabo in la kala saaro laba qof ama in kabadan.

Wuxuu sheegay inay ku guulaysteen in natiijo sax ah ay kasoo saareen carruurtii su’aaluhu ka taagnaayeen ayna sheegeen waalidka dhalay iyo waalidka aan dhalin.

“Runtii, maxkamaduhu way aqbaleen in loo keeno caddeymaha ku saleysan DNA, waxay kaloo aqbaleen in go’aan lagu qaato. Waxaan kaloo aad ugu faraxsanahay in dadweynihii ku qanceen natiijada aan soo saarnay,” ayuu yidhi.

Maamul gobolleedka Puntland ayaa ah meesha kaliya ee Soomaaliya laga hirgaliyay xaruntaan oo muhiim u ah baadhitaanka danbiyada hidasidaha DNA iyo Raadadka faraha ee loo yaqaano.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top