Connect with us

somalilandtoday.com

FARMAAJO Iyo Amiirka Qadar Oo Khadka Telefoonka Ku Wada Hadlay, Maxay Ka Wada-Hadleen??

focus

FARMAAJO Iyo Amiirka Qadar Oo Khadka Telefoonka Ku Wada Hadlay, Maxay Ka Wada-Hadleen??

FARMAAJO Iyo Amiirka Qadar Oo Khadka Telefoonka Ku Wada Hadlay, Maxay Ka Wada-Hadleen??

(SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Amiirka Dalka Qadar Amiir Sheekh Tamim Bin Hamad Al Thani ayaa yeeshay wadahadal dhanka taleefoonka ah.

Wargeyska Al-Sharq ee laga leeyahay Dalka Qadar ayaa qoray inuu wadahadalkaas dhacay isla markaasna ay labada Mas’uul ka wada hadleen xidhiidhka labada dal iyo waxyaabo kale.

Wargeyska Al-Sharq ayaan faahfaahin dheeraad ah ka bixin wadahadalka dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka Dalka Qatar, sidoo kalana weli ma xaqiijin madaxtooyada Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya iyo Qadar ayaa waxaa ka dhaxeeyo xidhiidh wanaagsan oo ku qotamo iskaashi iyo in la is dhaafsado danaha labada dhinac.

Dowladda Qadar ayaa Soomaaliya ugu deeqday mashaariic kala duwan oo laga fulinayo Soomaaliya kuwaas oo iskugu jiro kuwo dhammaaday, kuwa socdo iyo kuwa kale oo la filayo inay dhacaan.

Dowladda Qadar ayaa sidoo kale xidhiidh qoto dheer la leh Dowladda Soomaaliya ee uu hadda talladeeda hayo madaxweyne Farmaajo, waxayna Soomaaliya lumisay wadamo kale oo ka tirsan Khaliijka sida Imaaraadka Carabta iyo xulufadeeda maadaama ay Dowladda Soomaaliya diiday inay xidhiidhka u jarto Qatar.

Dowladda Qadar ayaa Dowladda Soomaaliya siiso lacag aad u badan oo lagu kabo miisaaniyadda Dalka, waxaana dhawr jeer Dowladda Soomaaliya lagu cadaadiyey inay xidhiidhka u jarto Qadar oo ah wadan yar oo qani ah.

More in focus

To Top