Connect with us

somalilandtoday.com

Maraykanka Oo Shirkadda Al-Barakaad Ka Qaaday Xayiraaddii Saarneyd, Kana Saaray Liiska Argagaxisada

focus

Maraykanka Oo Shirkadda Al-Barakaad Ka Qaaday Xayiraaddii Saarneyd, Kana Saaray Liiska Argagaxisada

Maraykanka Oo Shirkadda Al-Barakaad Ka Qaaday Xayiraaddii Saarneyd, Kana Saaray Liiska Argagaxisada

(SLT-Washington)-Dowladda Maraykanka waxay shalay Liiska Argagaxisada ka sartay Kooxda Shirkaddaha Barakaat ee The Barakaat Group of Companies, taasi oo ay Cunaqabatayn saarnayd tan iyo bishii November ee sannadkii 2001-dii xilligaas oo weerar uu ka dhacay Maraykanka.

Waaxda Maaliyadda ee Maraykanka ayaa Hadal-qoraal oo ka soo baxay lagu sheegay inay xidheen Cutubkii eedeymaha ee ay u haysteen Kooxda Shirkadaha Soomaaliyeed ee The Barakaat Group of Companies ee shaqadooda ahayd Shirkad ka shaqeyn jirtey Xawaaladda Lacagaha.

Bilo kadib, markii ay dhaceen Weeraradii Diyaaradaha ee bishii September 11-dii ee sannadkii 2001-dii lagu burburiyey Daarihii Mataanaha ayey Dowladda Maraykanku xayirtay Hantidii Shirkadda Al-barakaat, lana wareegeen dhamaan Dukumentiyadii iyo Diiwaan-gelinadii ay Shirkadaasi ku lahayd Caalamka.

Xayiraadaasi kadib, waxa uu Xoghayaha Maaliyadda ee Maraykanka Paul O’Neil sheegay inay Al-barakaat malaayiin Dollar sannadkiiba u gudbin jirtey Ururka Al-qaacida, waa sida uu hadalka u yidhi, inkastoo ay Shirkadda The Barakaat Group of Companies had iyo jeer gaashaanka ku dhuftaan Eedeymahaasi.

Dhinaca kale, Kooxda Baadhayaasha Maraykanka ee Weeraradii Daaraha Mataanaha ee September 11-dii ee sannadkii 2001-dii waxay sheegeen in ayna haynin caddaymo Toos ah oo muujinaya in aanu waxa xidhiidh ah ka dhexeynin Al-barakaat iyo nooc kasta ee Kooxaha loogu yeedho Argagixisadda.

Qaadista Cunaqabatayntaasi ayaa timid dhowr toddobaad kadib, markii Waaxda Maaliyadda Maraykanka shaacisay in ayna wax dembi ah gelin Shirkadda u qabilsan U-ololeynta ee Park Strategies LLC ee xarunteeda ku taallo magaalladda New York ay wakiil u ahayd Shirkadda Albarakaat.
Dowladda Maraykanka waxay Asaasaha Shirkadda Albarakaat, Axmed Nuur Cali Jimcaale iyo Kooxda Shirkadaha Albarakaat ee The Barakaat Group of Companies waxay Liiska Xayiraadda ka saareen sannadkii 2016-kii, halka ay QM liiska Cunaqabataynta ka saartay Axmed Nuur Cali Jimcaale iyo Kooxda Shirkadaha Albarakaat sannadkii 2012-kii.

Shirkadda Al-barakaat waxay Xaruumahooda Maaliyadda ku yaallaan dalka Imaaraadka, waxayna lahaayeen in ka badan 180 Xafiisyo u qaabilsan Xawaaladda Lacagaha oo ku kala yaalla 40-Waddan.

More in focus

To Top