Connect with us

somalilandtoday.com

Ganacsade Isku Daldalay Dalka Koonfur Africa Kadib Markii Amar Lagu Soo Rogay

focus

Ganacsade Isku Daldalay Dalka Koonfur Africa Kadib Markii Amar Lagu Soo Rogay

Ganacsade Isku Daldalay Dalka Koonfur Africa Kadib Markii Amar Lagu Soo Rogay

(SLT-Cape Town)-Muddooyinkii dambe waxaa isasoo tarayay weerarka lagu hayo goobaha ganacsiga ee ay leeyihiin Ajaanibta ka shaqeysata gudaha magaalooyinka waaweyn ee dalka Koonfur Africa iyo qaar ka mid ah gobolada dalkaas.

Budhcadda Koonfur Afrikaan ka ah ayaa caadeystay weerarada goobaha ganacsiyada oo dhac u gesta inta badana sameeyay weeraro dhiig uu ku daato,oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac lagula kaco ganacsatada Ajaanibta ah ee ay ku jiraan Soomaalida.

Ganacsatada Koonfur Africa ayaa sheegay in ay arkeen dhacdo ay aad uga argagaxeen kadib markii ay arkeen Ganacsade Itoobiyaan ah oo goobtiisa Ganacsi Isku daldalay, kadib markii Booliisku ay ku amreen in uu xidho goobtiisa Ganacsi sida ay sheegeen.

Muuqaal laga soo qaday ayaa muujinayay Ganacsadaha oo xadhig ku xidhay goobtiisa Ganacsi kadibna qoorata gashaday isaga oo sidaas ku geeriyooday,qaar ka mid ah Soomaalida ka ag dhawaa oo ku baxay ayaa sheegay in ay aad ula yaabeen dhacdadaan kuna wargeliyeen Booliiska.

Ganacsato ayaa xaqiijiyay in dhacdadaani ay ka dhacay Gobolka Gauteng mawaadin Itoobiyaan ka ahna uu isku daldalay kadib markii lagu amray in uu xidho goobtiisa ganacsi taas oo u cuntami weyday kana door biday in uu isdilo.

Inta badan dalka Koonfur Africa ayaa waxaa laga soo weriyaa weeraro khasaare geysta oo Budhcad Koonfur Afrikaan ah kula kacaan Soomaalida iyo qaar kale oo ka mid ah Ajaanibta kale ee ganacsiyada ku leh gudaha dalka Koonfur Africa.

More in focus

To Top