Connect with us

somalilandtoday.com

Midowga Afrika Oo Diiday Qorshaha Nabadda Bariga Dhexe Ee Madaxweyne Trump

focus

Midowga Afrika Oo Diiday Qorshaha Nabadda Bariga Dhexe Ee Madaxweyne Trump

Midowga Afrika Oo Diiday Qorshaha Nabadda Bariga Dhexe Ee Madaxweyne Trump

(SLT-Addis Ababa)-Dalalka ku bahoobay urur goboleedka Midowga Afrika ayaa ka soo horjeestay qorshaha nabadda bariga ee madaxweyne Trump dhowaan shaaciyay.

Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, Muuse Faki Maxamed ayaa qudbad uu ka jeediyay Shirweynaha 33-aad waxa uu ku sheegay in Midowga Afrika uu taageerayo qadiyada dadka Falastiin kana soo horjeedo qorshaha Trump ee siyaasadiisa Bariga Dhexe.

“Qorshahan waa mid ayna ka wada tashan beesha caalamka waxana uu ku xadgudbayaa xuquuqda aasaasiga ee reer Falastiin.”ayuu yidhi Faki Axmed.

Sidoo kale Madaxweynaha dalka Masar, C/fataax Alsisi, ahna Guddoomiyaha sannadlaha ee Ururka Midowga Afrika, C/fataax Alsisi ayaa sheegay in arrinta Falastiin mar kasta tahay mid ku xardhan Quluubta dhamaan dadka Afrikaanka.

Sayral Ramafoosa Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika oo la wareegaya xilka Guddoomiyaha sannadkan ee AU-da ayaa la meel dhigay qorshaha Madaxweyne Trump soo bandhigay uu la mid yahay Nidaamkii Midab-takoorka ee ka jiray dalkkiisa.

More in focus

To Top