Connect with us

somalilandtoday.com

Millatariga Israa’iil Toogasho Ku Dilay Wiil Falastiini Ah

focus

Millatariga Israa’iil Toogasho Ku Dilay Wiil Falastiini Ah

Millatariga Israa’iil Toogasho Ku Dilay Wiil Falastiini Ah

(SLT-Qudus)-Millatariga Israa’iil ayaa wiil falastiini ah ku dilay daanta galbeed xilli ay sii xoogeysaneyso xiisadda u dhaxeysa labada dal.

Goob-jooge diiday magaciisa ayaa xaqiijiyay in gacan ka hadal uu dhaxmaray millatariga Israa’iil iyo shacab Falastiin ah oo fiidnimadii xalay dibadbax ka dhan ah Yahuuda ka waday degmada Baab Al-Sawiyah oo daris la ah magaalada Al-Khaliil oo dhacda koonfurta daanta galbeed.

Ciidanka Israa’iil waxay adeegsadeen rasaas nool nool waxaa jira dad dhaawac uu soo gaadhay Laakiin ma xaqiijin karo maadaama xilli habeen ah ay tahay ayuu Yidhi.

Shacabka Falastiin ayaa ka cadhooday qorshaha loogu magac daray heshiiska qarniga ee Israa’iil iyo Falastiin oo hormuudka ka yahay Mareykanka.

Xukuumadda Washington ayaa u aqoonsatay caasimada mustaqbalka Israa’iil in ay noqoto magaalada Qudus taasi oo cadho xooggan ku dhalisay muslimiinta Caalamka.

More in focus

To Top