Connect with us

somalilandtoday.com

“Ma Qabo Inay Korodhay Awoodda Al-Shabaab…” Madaxweyne Geelle

focus

“Ma Qabo Inay Korodhay Awoodda Al-Shabaab…” Madaxweyne Geelle

“Ma Qabo Inay Korodhay Awoodda Al-Shabaab…” Madaxweyne Geelle

(SLT-Jabuuti)-Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo wax laga weydiiyay korodhka la sheegay inuu ku yimid awooddii Al Shabaab ayaa sheegay inaanu isagu qabin inay korodhay awoodda ururka.

Madaxweynaha ayaa sheegay inay awoodda Ururka Al Shabaab ku soo uruurtay qarax meel la dhigo iyo inay wax ku weeraraan gaadiid laga soo buuxiyay walxaha qarxa.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inay Al Shabaab arkayso dib u dhiska ku socda Ciidamada Qalabka Sida iyo horumarada dalka ka jira.

Madaxweyne Geelle oo la hadlay VOA ayaa yidhi “Ma qabo inay korodhay awoodooda. Cadowgu marka uu duulimaad dalkiisa ku yahay waa mid, marka uu dal kale oo shisheeye uu ku yahayna waa mid kale.”

“2007-dii ayay dagaalkoodu bilaabeen, wadanka Soomaaliyana inuu soo dhismayo way arkayaan, inuu ka soo kabanayo dhibaatooyinkii xagga amniga ka haystayna way arkayaan, in ciidamadu iminka tababaro wanaagsan qaataana way arkayaan, in laga gacan-sareeyana way arkayaan.”

“Ayagu in wax dagaal ah ay u soo badheedhaan aad ayay u yar tahay, laakiin qarax meel la dhigo, baabuur lagu soo xidho walxaha qarxa, waxaas ayay u badan yihiin nimanku.”

More in focus

To Top