Connect with us

somalilandtoday.com

IRAN Oo Dil Ku Fulinaysa Basaas U Shaqaynayay Maraykanka

focus

IRAN Oo Dil Ku Fulinaysa Basaas U Shaqaynayay Maraykanka

IRAN Oo Dil Ku Fulinaysa Basaas U Shaqaynayay Maraykanka

(SLT-Tehran)-Amir Rahimpour oo dowladda Iiran ay ku soo eedaysay inuu u jaajuusayay hay’ada sirdoonka maraykanka ee CIA, islamarkaana isku dayay inuu u gudbiyo Maraykanka xog la xidhiidha barnaamijka Nukliyeerka Iiran ayaa Dil lagu fulinayaa sida ay baahisay Wakaalada wararka Iiraan ee Fars.

Laba sarkaal oo kale oo u shaqaynayay hay’adda gargaar ayaa lagu xukumayay xabsi u dhexeeya 5 sanno ilaa 10 sanno iyagoo lagu eedeeyay jaajuusnimo iyo inay khatar ku yihiin amniga qaranka Iiraan.

Amir Rahimpour wuxuu ka tirsanaa unug jaajuus oo u shaqeeya hay’adda CIA kuwaasoo doonayay inay gudbiyaan xogta barnaamijka Nukliyeerka Iiran” Sidaas waxaa yidhi Gholamhossein Esmaili oo ah afhayeenka wasaarada cadaalada Iiran.

Bishii Julay ee Sanadkii hore, dowladda Iran waxay sheegtay inay burburisay Unug jaajuus oo u shaqaynaysa hay’adda Sirdoonka ee CIA, waxayna xidhxidhay 17 qof.

Hay’adda CIA weli kama Ay hadlin dilka lagu fulinayo Sarkaalka lagu eedeeyay inuu u jaajuusayay hase yeeshee madaxweynaha Marayknka Donald Trump ayaa qoraal uu soo dhigtay bartiisa Twitterka wuxuu been abuur ku sheegay in Iiran ay qabatay oo xukuntay Sarkaal CIA-da u shaqaynayay.

More in focus

To Top