Connect with us

somalilandtoday.com

Itoobiya Oo Fashilisay Weerarro Ay Al-Shabaab Qorsheysay

focus

Itoobiya Oo Fashilisay Weerarro Ay Al-Shabaab Qorsheysay

Itoobiya Oo Fashilisay Weerarro Ay Al-Shabaab Qorsheysay

(SLT-Addis Ababa)-Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in ururka Al-shabaab ay doonayeen in weerarro la mid ah “kuwa Kenya” ay ka fuliyaan ay la damacsanaayeen Itoobiya balse “laamaha amniga ayaa fashiliyeen”.

Abiy Axmed oo shalay hortagay baarlamaanka dalkaas ayey xildhibaannada golaha weydiiyeen su’aalo badan oo la xidhiidha Amniga, Siyaasadda iyo doorashada dalkaasi ka dhici doonta sannadkan.

Ra’isal wasaaraha Itoobiya oo la weydiiyay waxa ay dowladdiisa ka qabatay amniga ayaa tusaale ahaan u soo qaatay sida “lagaga hortagay weerarrada Al-Shabaab”.

Wuxuu yidhi: “Haddii aan Al-shabaab tusaale u soo qaato, weerarro la mid ah kuwa ay kenya ka fuliyaan aye damacsanaayeen, balse diyaargarow xooggan waxaa sameeyey ciidamada deegaanka Soomaalida ee qalabka sida iyo xoogagga kale ammaanka waxayna sameeyeen howlgallo ballaadhan oo ay kaga hortageen weerarradii al-shabaab ay damacsanaayeen.”

“Al-shabaab ayaa magac ahaan la sheegay mooyee waxaa jira xoogag badan oo Al-shabaab ka baxsan oo aan aaminsanahay inay doonayaan wiiqidda amniga Itoobiya,” ayuu hadalka ku daray Abiy.

“Howlgal lagu hor istaagay tallaabadii ay qaadi lahaayeen, kooxahaas oo gaashanaya kuwa xumaha jecel ee gudaha iyo dibadda, ayaa la qaaday. Ciidamada qalabka sida ee Itoobiya iyo laamaha kale ee ammaanka howla aad u badan ayey qabteen,” ayuu yidhi.

“Dowladda dhexena waxaa ka go’an iney si weyn wax uga qabato amniga iyo xasiloonida gudaha balse dadaalka dowladdu wuxuu midha dhal noqon karaa marka ay qaybaha ay quseyso iyo shacabka guud ahaan, kaalinta kaga aaddan ay ka soo baxaan,” ayuu yidhi Dr Abiy Axmed.

More in focus

To Top