Connect with us

somalilandtoday.com

Askar Ka Tirsan Booliska Somaliland Oo Dil Iyo Xadhig Lagu Xukumay.

focus

Askar Ka Tirsan Booliska Somaliland Oo Dil Iyo Xadhig Lagu Xukumay.

Askar Ka Tirsan Booliska Somaliland Oo Dil Iyo Xadhig Lagu Xukumay.

(SLT-Hargeysa)-Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ee Somaliland ayaa xukunno dil iyo xadhig ah ku xukuntay saddex askari oo ka tirsan ciidanka Booliska.

Maxkamadda ayaa Maxamed Yaasiin Faarax oo ah askari boolis ah ku xukuntay dil toogasho ah, iyadoo lagu helay in uu magaalada Wajaale agteeda ku dilay Marxuum Caydaruus Maxamed Daahir.

Sidoo kale, maxkamaddu waxay 11 sano oo xadhig ah ku xukuntay labada askari ee kala ah: Cabdinaasir Maxamuud Guuleed iyo Cumar Maxamed Cabdi, kuwaasi oo iyagana la sheegay in ay xidhiidh la lahaayeen falkan dilka ah.

More in focus

To Top