Connect with us

somalilandtoday.com

Xoghayaha Guud Ee Xisbiga WADDANI Oo Kullan La Qaatay Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Dalka Belgium.

focus

Xoghayaha Guud Ee Xisbiga WADDANI Oo Kullan La Qaatay Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Dalka Belgium.

Xoghayaha Guud Ee Xisbiga WADDANI Oo Kullan La Qaatay Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Dalka Belgium.

(SLT-London)-Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI Mudane Khadar Xuseen Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo oo ka mid ah mas’uuliyiinta Xisbiga ee dalka Ingiriiska ayaa kullan la qaatay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka dalka Belgium, waxaana ay ka wada hadleen muhiimadda ay leedahay horu-socodka hannaanka dimuqraaddiyadda Somaliland.

Xildhibaan Karl Vanlouwe ayaa Somaliland ku ammaanay geeddi socodka doorashooyinkii Somaliland ay soo qabatay, isaga oo si weyn uga dayriyey dib u dhaca xadhkaha goostay ee doorashada golaha Wakiilada iyo golayaasha deegaanka, sida oo kale waxa uu walaac ka muujiyay xaaladda xuquuqal iisaanka Somaliland iyo caddaadiska lagu hayo xorriyadda hadalka.

Xildhibaanka iyo masuuliyiinta xisbiga WADDANI ayaa isla qaatay in wada jir loo qaban-qaabiyo kullan ka dhaca xarunta Baarlamaanka Yurub si loogu soo bandhigo horumarka Somaliland iyo caqabadaha ku gadaaman labadaba.

Kullankan waxaa kale oo qeyb ka ahaa masuuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Belgium-ka.

More in focus

To Top