(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo uu weheliyo afhayeenka xisbiga Mudane Barkhad Jaamac Batuun ayaa maanta kulan la qaatay qaybaha kala duwan ee saxaafadda Somaliland. Kulanka oo ka dhacay Xarunta Guud ee Xisbiga waxaa ka soo qayb galay Masuuliyiinta iyo wariyeyaasha hay’adaha kala duwan ee saxaafadda.
Guddoomiyaha ayaa bahda warbaahinta la wadaagay sida uu uga xun yahay eedda xukumaddu u jeedisay warbaahinta, islamarkaana ku booriyay in ay ilaaliyaan Qarannimada iyo sidii Somaliland u wanaagsanaan lahayd. “30-ka Wariye ee xukumaddu ku eedaysay in ay Xamar ka mushahar qaataan waa talaabo lagu cabsi galinayo Warbaahinta madaxa-banaan, waana meel ka dhac, xisbi ahaan waan ka soo hor-jeednaa waanan ka tacsiyaynaya Saxaafadda Somaliland eeddaas,” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro
Guddoomiyaha ayaa saxaafadda u sheegay in uu ogol yahay madaxbannaanida saxaafadda si ay ugu warramaan si dhexdhexaadnimo ah oo xirfadaysan “kulankani maaha mid aanu taageero idinkaga doonayno. Laakiin wuxuu daaran yahay in aynu si fiican isku xog-waraysano, wixii jira ee dhib nooc kasta leh,” ayuu yidhi Mudane Cabdiraxmaan Cirro
Guddoomiyaha ayaa sida oo kale saxaafadda u ballanqaaday in uu ka shaqaynayo kobcinteeda iyo dhawrista xorriyaddeeda “Guddoomiye ahaan iyo xisbi ahaanba waan idiin baahanahay hadda barina waan idiin baahanahay (haddaan talada qabto).” Waxa uu intaasi raaciyay “Diyaar baan idiin la nahay inaan idin difaacno, Waad na dhalliili kartaan; Cirro wax baad ka sheegi kartaan, Muuse wax baad ka sheegi kartaan, xukumadda wax baad ka sheegi kartaan, waayo saxaafaddu way madax-banaan tahay,” ayuu yidhi Mudane Cabdiraxmaan Cirro. Guddoomiyaha ayaa saxaafadda Somaliland u ballanqaaday in uu barbar istaagayo, islamarkaana ka taageerayo wax kasta oo lagu dhawrayo xorriyadda saxaafadda iyo xorriyatul qawlka. Masuuliyiinta iyo wariyeyaasha ayaa guddoomiyaha uga mahadceliyay kulanka uu la qaatay iyo sida uu ula dareen ka yahay saxaafadda madaxa bannaan, halkan hoose ka DAAWO